Axad, Augusto 13, 2017 (HOL) – Waxaa goor dhaw garoonka diyaaradaha Aadan
Cadde ee magaalada Muqdisho ka soo degtay diyaarad siday Sheekh Mukhtaar
Rooboow Cali Abuu Mansuur oo ka soo duushay degmada Xuddur.
Mukhtaar Rooboow ayaa la sheegay in ay socdaalkiisan ay ku wehlinayaan
wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya C/rashiid Cabdullaahi Maxamed iyo saraakiil ka tirsan hay’adda nabad-sugida Qaranka oo
ka soo qaaday degmada Xuddur kaddib wada hadal dhaxmaray Wadaadka iyo mas’uuliyiinta
dowladda.
Abuu Mansuur oo ka goostay Al-shabaab ayaa saakay isku dhiibay maamulka
Koonfur galbeed ee degmada Xuddur, kaddib weerar ba’an oo uu kala kulmay
xoogagga Al-shabaab, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda ay kulamo
dhaxmaraan mas’uuliyiinta sar sare ee dowladda iyo Mukhtaar Rooboow oo mar soo
noqday ku-xigeenka Amiirka Al-shabaab.
Amaanka garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa siweyn loo adkeeyay ka hor inta aysan soo gaarin diyaarada sidday Abuu-Mansuur.
Dowladda Mareykanka ayaa horaantii sanadkan shaacisay in Mukhtaar Rooboow
laga saaray liiska wax loogu yeero argagixisada, waxaana madaxiisa dul saarnaa oo lagu doon doonayay
lacag dhan $5 Million oo doolar.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]