Heshiiskii lala galay Jamaal Cali Xuseen oo la laalay iyo Jamaal oo ka jawaabay arrintaas

Talaado, Nofeembar ,8,2016 (HOL)- Xisbiga mucaaradka ah ee UCID oo maanta shirweyne aan caadi ahayn ku qabsaday magaaladda Hargeysa, ayaa sheegay inay laalayn heshiishkii ay wada galeen xisbiga UCID iyo Jamaal oo ka soo go’ay xisbigii UDUB.

Shirweynahan caadiga ahayn ayaa la sheegay in dhamaanba la laalay heshiishkii lala gallay garabkii uu hogaaminayey Jamaal Cali Xuseen oo lala galay 2012, kaasi oo ahaa inuu xisbiga musharax madaxweyne ka noqdo.

Haseyeeshee, wakhtigii loo codeynayey laalista heshiishkan may joogin garabka Jamaal Cali Xuseen hogaaminayey, kuwaas oo iyaguna goob kale ku qabsaday shir aan caadi ahayn oo ay xilkii kaga qaadeen gudoomiyaha.

Shirkan aan caadiga ahayn ee garabka Faysal qabsaday ayaa waxa ka soo qaybgalay marti sharaf uu ka mid ahaa gudoomiye ku xigeenka xisbiga kulmiye Maxamed Kaahin, wallow aanay ka soo qaybgalin guddida diiwaangelinta oo iyagu laba shir ee ay kala qabsanayaan ku amray inay joojiyaan wallow aanay labadda qoloba aanay joojin shirarkoodda.

Intaas ka dib waxa shirweynihii aan caadiga ahayn  ee xisbiga UCID soo saareen go’aankan:

“Maanta oo ay taariikhdu tahay 8/11/2016, waxaa soo gabogabeesmay Shirwaynihii Aan caadiga ahayn Ee Xisbiga UCID .

Waxaa ka soo baxay oo lagu go’aamiyay qodobada hoos ku xusan .

1: Shirwaynuhu Wuxuu laalay, heshiiskii qabyada ahaa ee Garabkii Xisbiga UDUB uu la galay Xisbiga UCID, Taariikhdu markay ahayd, 12/7/2012 .

2: Waxaa lagu ansixiyay, wax ka badal iyo kaabis lagu sameeyay Xeerka Xisbiga UCID .

3 : Shirwaynuhu wuxuu go’aamiyay in dib loo dhigo Shirwaynihii Afraad Ee Xisbiga UCID, kaas oo ku muddaysnaa In la qabto Bisha January 2017, Waxaana shirwaynuhu go’aamiyay in Muddo hal sanno ah, dib loo dhigo, oo qabsoomi doonta, January 2018 .

4: Wuxuu shirwaynuhu awood buuxda u siiyay Gudoomiyaha Xisbiga UCID, in uu buuxiyo xubnaha ka banana Xisbiga UCID, inta la gaadhayo Shirwaynaha afraad ee Xisbiga UCID .

5: Waxaa kale oo uu shirwaynuhu go’aamiyay, in la balaadhiyo xubnaha Golaha Dhexe, oo laga dhigo 251 Xubnood, halka uu markii hore ka haa 181 .

Dhinaca kale, garabka Jamaal Cali Xuseen oo doonayey inay shirweynaha ku qabsadaan hoteelka Maansoor ayaa loo diiday ka dib markii wasiirka Arrimaha Gudaha amray in aan shir lagu qabin Karin hoteelkaasi.

Haseyeeshee, garabka Jamaal ayaa shirkooddii ku qabsaday meel banaan ah oo ay iskugu yimaadeen, kuwaas oo ay sheegeen inay ku ansixiyeen heshiishkii ay wada galeen garabka Jamaal iyo xisbiga UCID iyo in gudoomiyihii laga qaaday Faysal Cali Waraabe.

Jamaal Cali Xuseen oo ka hadlaya shirkaasi ay qabsadeen waxa uu yidhi “Taariikhda waa markii ugu horeysy ee shirweyne xisbi lagu qabtay geed hoostii lagu qabtay shirweyne xisbi, xeerarka xisbiyada kuma taalo in guri hoostii lagu qabto, waxaana shirkayagii ka soo baxay saddex qodob oo kala ah in shirka lagu ansixiyey heshiishkii labada garab galeen 2012-kii, in xilkii laga qaaddo gudoomiyaha Xisbiga UCID, inay ku gudoomiye ku meel gaadh ah loo doortay xisbiga UCID .”

Waxaanu intaas ku daray “Cadaalad darada halkii ugu hoosaysay baynu maraynaa oo waa cadaalad daraddii oo dharkii iska soosaartay, shirkaa yar ee garabka kale qabsadeen waxa la ii sheegay inay ciidan badan ilaalinayo,waxa loo baahan yahay haddii sharciga la jabiyo inay dadku wax ka qabtaan, maanta guryihii baa la iskula soo galay .”

Si kastaba ha ahaatee, shirweyne kasta oo xisbi qabsada waxa ka jaba garab balaadhan, iyadoo aynu hore u ogayn in xisbiga WADDANI shirweynahoogii ay ka jabaan garab uu hogaaminayo Ku xigeenkii xisbiga wadani Axmed MUMIN Seed, halka xisbiga KULMIYE shirweynihiisa ka cadhoodeen garab wasiiro u badnaa oo uu hogaaminayey wasiirkii hore ee Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.