ICRC: rayidka waa in laga badbaadsho dagaalada

Talaado, Nofeembar 08, 2016 (HOL)-Laanqeyrta Cas (ICRC) ayaa ugu baaqday darfaha ku dagaalamaya Gaalkacyo inay u naxaan dadka rayidka ah iyo shaqaalaha caafimaadka.

'Aad ayay muhiim u tahay in qoysaska, hooyooyinka iyo carruurta loo ogolaado inay ka baxaan goobaha colaadu ka jirto. Dhammaan dadka rayidka ah iyo shaqaalaha caafimaadku kuma jiraan dagaalka waana in aan la bartilmaansan'. Sidaa waxaa yiri Jordi Raich Curco, madaxa ICRC ee Soomaaliya.

Dhanka kale saaka ayaa dagaal uu mar kale ka qarxay Gaalkacyo ayadoo uu ku bilowday madaafiic kadibna rasaas ay isweydaarsanayeen labada ciidan ee Puntland iyo Galmudug.

Wali lama xaqiijin khasaaraha dagaalkii maanta ka dhashay.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]