Hayada IFJ oo cambaareysay dilkii loo geystay wariye Mahad Cali

Talaado, Nofeembar 08, 2016 (HOL)-Hayada u dooda xaquuqda saxafiyiinta ee caalamiga ah ee IFJ ayaa cambaareysay dilkii loo geystay wariye Mahad Cali Maxamed.

Wariye Mahad ayaa xabad wiifto ah ay ku dhacday gudaha magaalada Gaalkacyo oo indhawaaleba ay colaadi ka taagneyd. Ururka qaran ee saxafiyiinta Soomaaliya ee NUSOJ ayaa xaqiijiyay in Wariye Mahad ay xabadaasi dhaawac halis ah u geystay kadibna uu dhaawacaa u geeriyooday.

Wariye Mahad  wuxuu u shaqeyn jiray Radio Codka Mudug (Voice of Mudug Radio) waxaana xabadu uga dhacday madaxa.

Waxaa loola cararay isbitaalka Gaalkacyo kadib markii uu dhaawacmay Axadii halkaa oo uu dhaawicii ugu geeriyooday.

In dhawaaleba waxaa dagaalo soo noqnoqonaayay ay ka dhacayeen magaaladaasi Gaalkacyo. Waxaa jirtay xabad joojin kumeel gaar ah oo shalay lagu dhawaaqay.

Si kastaba ha ahaatee, saaka ayaa dagaal uu mar kale ka qarxay Gaalkacyo ayadoo uu ku bilowday madaafiic kadibna rasaas ay isweydaarsanayeen labada ciidan ee Puntland iyo Galmudug.

Wali lama xaqiijin khasaaraha dagaalkii maanta ka dhashay.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]