
Talaado , November 08,2016 (HOL) - In ka badan sodeemeeye qof oo iskugu jiray shacab iyo askar, ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen rabshado ka dhashay garoonka ciyaaraha ee Hargeysa Stadium, kaddib markii shalay wada ciyaareen labadda Gobolka ee Daad-madheedh iyo Hawd uu gobolka Daadmadheedh ku badiyey laba iyo hal gool, taas oo taageerayaashii gobolka Hawd ka cadhaysiisay, kuwaas oo dadkii garoonka ka dareeray ku bilaabay dhagaxaan.
Dhaawacan ayaa u badnaa dhagaxaan, halka Askartuna isticmaamalayeen rasaas nool, inkastoo dadka rasaastu ku dhaawacmay la sheegay inay gaadhayaan ilaa toddoba qof inta la hubo, haseyeeshee waxa dadka iyo askartaba soo gaadhay dhaawacyo kaga yimid dhagaxaanta ay ku soo tuurayaan taageerayaasha gobolka Hawd oo ka cadhaysan ciyaarta laga badiyey.
Goobtu garoonku ku yaaro waxa ku badan taageerayaasha gobolka Hawd, kuwaas mar kasta oo laga badiyo ku kaca rabshaddo, taas oo khatar galisa dadweynaha u yimaadda daawashadda ee taageera goboladda kale.
Dhowaaqa rasaasta ayaa socda saacaddo badan, taasi waxay keentay in dad aan u dhoweyn garoonka ay rasaastu gaadho, inkasto aan wali la soo sheegin wax dhimasho ah.

Cisbitaalka guud ee magaaladda Hargeysa oo la geeyey dhaawaca ayaan loo ogolayn inay ciddi gasho ka dib markii ciidan xoogan la keenay cisbitaalka oo ay ilaalinayeen, waxaana iyaguna agagaarka cisbitaalka tubnaa dad faro badan oo doonayey inay soo eegaan dhowaawac dadka la keenay cisbitaalka.
Taliyaha guud ee ciidanka Booliska Somaliland, Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaann ayaa ka warbxiyey khasaaraha ka dhacay garoonka, waxaanu sheegay inay dadka khasaaruhu soo gaadheen u badnaayeen is jiidh iyo dhagaxaan ku dhacay.
“markii rabashaduhu bilaabmeen ciidanku wuxuu isticmaalay rasaastiii caaga ahaa ee indhaha dadka ka ilmaysiinaysay, taasina waxay keentay inay dadkii is jiidh jiidhaan, waxa kale oo dhacay dhagaxaan in askarta lagu soo tuuro, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare dhaawac u badan waxaana dhaawacmay 12 shacab ah iyo 15 askari, dadkaasi dhaawaca ahi waxay u dhaawacmeen waa is jiidh jiidhkii, dhagaxaantii iyo dad ay rasaasi ku dhacday, wax dhimasho ahi ma jiraan”ayuu yidhi taliye Fadal.
Sidoo kale, waxa uu sheegay in jidadkii la xidhay oo dhagaxaan waaweyn lagu xidhay iyo taayiro lagu gubay, waxaanu intaas ku daray in khasaare kale soo gaadhay hantiddii dadka oo gaadiid badan oo shacab ah khasaare soo gaadhay.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hageysa, Somaliland