Talaado, November, 08, 2016 (HOL) -- Goordhow waxaa magaalada Kismaayo si rasmi ah uga furantay doorashada xubnaha aqalka hoose ee baarlamanka dalka qeybta Jubaland, ayadoo xarunta Daawad oo ah halka ay doorashada ka dhaceeyso ay ku suganyihiin ergadii soo dooran lahayd mudaneyaasha.
Hoolka Daawad ayaa loo sameeyay qeybo kala duwan oo lagu soo dooran doono xildhibaannada, ayadoo qeyb walba la dhigay Sanduuqyada codeynta, waxaana ku sugan xubnaha gudiga doorashooyinka, musharixiinta, ergada soo dooran doonto musharaxa iyo korjoogto caalami ah.
Maanta ayaa la filayaa in la dhameystiro doorashada ilaa lix mudane oo kamid noqon doona baarlamanka dalka.
Dib ayaan idinka soo gudbin doonna natiijooyinka kama danbeysta ah ee doorashada.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.
Doorashada xubnaha aqalka hoose ee baarlamanka dalka oo qeybta Jubaland oo Kismaayo ka bilaabatay
More News
- Askar ka tirsan ciidammada dowladda oo goor dhaw lagu dillay Beledweyne
- Ururka Difaaca Xuquuqda Aadanaha ee Puntand oo Baaq kasoo saaray Colaada Gaalkacyo; AKHRI
- Heshiiskii lala galay Jamaal Cali Xuseen oo la laalay iyo Jamaal oo ka jawaabay arrintaas
- Magacyada 7-da Xubnood ee ku guuleystay kamid noqoshada Baarlamanka federaalka qeybta Jubaland
- Hayada IFJ oo cambaareysay dilkii loo geystay wariye Mahad Cali
- Xukuumadda Itoobiya oo Xannibaaddii ka Qaaday Dublomaasiyiinta ku sugan Waddankeeda
- Warbixintii QM oo looga hadlay Hubka Sharci-darada ah ee Somalia laga soo geliyo Somaliland iyo Puntland iyo in Shirkadda Hormuud ay Siiso Al-shabaab Canshuur
- ICRC: rayidka waa in laga badbaadsho dagaalada
- DAAWO: Codbixinta Doorashada Taariikhiga ah ee Mareykanka oo Gobollo badan ka Billaabatay
- Prof. Jawaari oo ku guuleystay Kursiga Koowaad ee Aqalka Hoose Doorashada ka socota Baydhabo
- QM: ugu yaraan 150 askari ayaa KDF looga dilay Ceel-cadde
- Soddomeeye Ruux oo la sheegay inay ku Dhaawacmeen Rabshaddo ka dhashay Tartanka Ciyaaraha
- Dagaal culus oo mar kale dib uga qarxay magaalada Gaalkacyo
- Madaxweyne ku-xigeenka Kenya oo u ololeynaya sidii Aamina Maxamed looga dhigi lahaa guddoomiyaha ururka midowga Afrika




