Xukuumadda Itoobiya oo Xannibaaddii ka Qaaday Dublomaasiyiinta ku sugan Waddankeeda


Talaado, November 08, 2016 (HOL) — Dowladda Itoobiya ayaa Xannibaaddii Saarnayd ka Qaadday Dublomaasiyiinta Dalkeeda ku sugan ee u safraya masaafo ka baxsan 40 kilo mitir caasimadda Addis Ababa.

Xannibaadaasi ayaa qeyb ka ahayd xaaladda deg-dega ah ee dalkaasi lagu soo rogay, ka dib bilooyin ay socdeen rabshadihii ugu xumaa ee Itoobiya soo mara muddo sanado ah.

Wasiirka Gaashaandhigga Itoobiya, Siraj Fegessa, ayaa sheegay in xannibaada la qaaday maadaama ay dalkaasi xasiloonnidii kusoo laabatay.

Balse, Waxaa weli shacabka dalkaasi saaran bandow iyo in aanay ka hadli karin arrimaha siyaasadda.

Kooxaha u Dooda Xuquuqda Aadanaha, ayaa sheegay in Dadweyne ka badan 500-qof ay ku dhinteen rabshadihii dhowaan ka dhacay Itoobiya.

Ugu dambeyntii, Qowmiyadaha Dalkaas ugu Tirada badan ee Oromada iyo Amxaarada ayaa Waday Mudaaharaadyo ay kaga soo hor-jeedaan Xukuumadda Addis Ababa.

XIGASHO BBC

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya