
Axad, July 10, 2016 (HOL) — Ururka Suxufiyiinta Puntland ee MAP oo Maanta Shir Jaraa'id Magaalada Garoowe ku qabtay, ayaa sheegay inay dacwad ka gudbinayaan Wasiirka Warfaafinta Maamulka Puntland, Maxmuud Xasan Soo-cadde, kaddib markii uu dhawaan sheegay inuu laynayo suxufiyiinta Puntland ka howl-gala, dalkuna uusan lahayn sharci iyo dastuur lagu dhaqo.
Guddoomiyaha Ururka MAP, Faysal Kahliif Barre ayaa sheegay in Dacwadaan ay ka gudbinayaan wasiirka ay la kaashan doonaan sharci-yaqaano Soomaali ah, kaddib markay arkeen cabsida iyo khatarta wariyaasha kasoo wajahday maamulka Puntlnad.
Sidoo kale, Faysal Kahliif ayaa ka codsaday baarlamaanka Puntland inay ka dhageystaan cabashada ay u soo gudbiyeen Ururka Suxufiyiinta Puntland ee MAP, kana hadalaan waxa dastuurku iyo sharcigu u ogol-yahay.
Faysal ayaa intaas ku daray in madaxweynaha Puntland, C/weli Maxmed Cali Gaas uu dib u fiiriyo ajandaha siyaasadeed ee wasiirka Warfaafinta Puntland, taasoo ku aaddan Warbaahinta Puntland.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha MAP ayaa sharci-darro ku tilmaamay Warqad kasoo baxday shalay xafiiska Wasiirka Warfaafinta Puntland oo lagu sheegay in suxufiyiinta aan iska soo diiwaan-gelin wasaarada warfaafinta 25-ka bishan wixii ka dambeeya aysan ka shaqeyn doonin deegaannada Puntland.
Ugu dambeynm Hadalka Ururka Suxufiyiinta Puntland ee MAP ayaa imaanaya xilli ay hawada dib ugu soo laabtay Idaacadda Daljir oo 12-maalin u xirnayd Maamulka Puntland, Warbaahinta inteeda kalana ay la kulmayeen hanjabaad la xiriirta dil iyo xarig, taasoo kaga imaanaysay wasiirka warfaafinta Puntland.
Abaadir C/qaadir Cilmi, Hiiraan Online
E-mail: [email protected]
Garoowe, Puntland, Soomaaliya