Axad, July 10, 2016 (HOL) — Kulan lagu eegayay sharciga Ilaalinta Badaha Soomaaliya; ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho, iyadoo kulankaas ay ka qayb-galeen Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Somalia, Maxamed Cumar Carte, Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Nuur Faarax Xirsi iyo Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda Somalia, Axmed Cali Kadiye.
Ujeeddada kulankaan, ayaa ahayd sidii dib-u-habeyn loogu sameyn lahaa sharcigii 1959-kii illaa 1988-kii lagu dhaqayay Xeebaha Soomaaliya oo dhan, iyadoo ay Sharcigan soo bandhigtay Hay’adda IMO oo hawsheedu tahay ilaalinta Sharciyada lagu maamulo Xeebaha Caalamka.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Maxamed Cumar Carte, ayaa sheegay in sharcigu uu koobsanayo ilaalinta kheyraadka dabiiciga ah ee ku jira badaha Somalia, ka ilaalinta Xeebaha Dalka Qashinka lagu Shubo, Ganacsiga Badaha oo sannadka 2030-ka la rabo inuu laba-jibaarmo, iyadoo ay Soomaaliya ka faa’iideysanayso iyo arrimo oo la xiriira badaha kale.
Mudane Carte, ayaa sheegay in Dawladda Soomaaliya Taageereyso Sharciyada Caalamiga ah ee lagu dhaqo badaha iyo Sharcigaan hadda dib-u-eegista lagu sameynayo ee Soomaaliya.
"sharcigan wuxuu ka shaqayn doonaa badbaadinta dhalinyarada xilli walba ku dhimanaya badaha, iyadoo la burburinayo Shabakadaha inta badan tahriibinta ka shaqeeya," ayuu yiri RW ku xigeenka Somalia, Maxamed Cumar Carte.
Ugu dambeyntii, RW ku xigeenkaSomalia, ayaa u mahad-celiyey Cid walba oo gacan ka geystay Sharcigaan, gaar ahaan Hay’adda soo bandhigtay ee IMO iyo Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya.
Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
Muqdisho, Soomaaliya
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)