
Magaalada Mandheera
Axad, Luuliyo 10, 2016 (HOL)-Hal qof ayaa loo malaynayaa inuu ku dhintay weerar shalay galab dabley katirsan Al-Shabaab ay ku qaaday gaari dad rayid ah ay wateen, degmada Mandheera ee dalka Kenya.
Wararka ayaa sheegaya in dableydaa ay weerartay gaarigaa oo maraayay inta u dhexeysa Fino iyo Sheikh Barow.
Laankheyrta Cas ayaa sheegtay in gaarigaa oo ay saarnaayeen 6 qof uu kusii jeeday tuulada Lafey.
Weerarkaa ayaa yimid ayadoo maalin ka hor 21 qof la dhigay isbitaal kadib markii ciidamada ammaanka ee Kenya ay aad u garaaceen kadib hawlgal ay ciidamada ammaanku ka sameeyeen tuulada Harwale oo la tuhmay in xubno Al-shabaab ka tirsan ay ku dhuumaalaysanayeen.
Si kastaba ha ahaatee, afhayeen u hadlay ciidamada Kenya ee KDF, David Obonyo ayaa sheegay in maalintaa wax hawl gal ah uusan dhicin.
Shalay ayaa sidoo kale wararku waxay sheegayaan in xubno ka tirsan AL-Shabaab ay weerareen saldhig boolis oo kuyaala Tuulada Diif, dhanka Kenya halkaas oo is rasaaseyn kadib ay eryeen biliiskii halkaa kusugnaa dabadeedna ay hub halkaa ka qaateen.
Kenya ayaa waxaa soo wajahay mawjado weeraro ah oo Al-Shabaab kusoo qaadayeen tan iyo sanadkii 2011 markii ciidamada Kenya ee KDF ay gudaha ugaleen Soomaaliya si ay u baacsadaan xarakada Al-Shabaab.
Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]
Magaalada, Nairobi Kenya.