
Axad, July 10, 2016 (HOL) — Xukuumadda Puntland ayaa sheegtay in falalka amni-darada ah iyo dilalka ka dhaca magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug aysan intooda badan ahayn kuwo ay Al-shabaab ka dambeyso, balse ma jirto cid uu maamulku ku eedeeyay dilalka ka dhaca Gaalkacyo.
Taliyaha Ciidamada Booliiska Puntland,Jen. C/qaadir Shire Faarax [Ereg] ayaa sheegay in dhibaatooyinka ka jira Gaalkacyo ay tahay barakicin oo la doonayo in waxgalka ah lagu baabi'iyo, magaaladoodana looga bara-kiciyo.
"Dhibaatada Gaalkacyo ka dhaca waxaan hubaa inaysan 50% ka dambeyn ama lug ku lahayn Al-shabaab, waxaana leeyahay kuwa wax laaya Al-shabaab keliya ma ahan, Gaalkacyo waxaa ka socda waa barakicin, haddii lagaa saaro magaaladaadana waa nasiib-darro weyn," ayuu yiri Jen. Ereg oo intaas raaciyay Al-shabaab ma ahan wax guryahooda ka saaraya shacabka ku nool Gaalkacyo.
Sidoo kale, Taliyuhu wuxuu shacabka Gaalkacyo ugu baaqay inay wax walba oo amni-darro ah, isagoo intaa ku daray inay tahay in shacabku guryahooda ilaashadaan, ayna iska celiyaan kuwa amni-darrada kawada magaaladooda.
Ugu dambeyn, Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa ay maamulada Puntland iyo Galmudug kala maamulaan, ayaa waxaa ka dhacayay maalmihii lasoo dhaafay dilal qorsheysan oo cid geysata aan la garanayn.
Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
Muqdisho, Soomaaliya