Axad, July 10, 2016 (HOL) —Dagaallo xooggan ayaa lagu soo waramayaa in ay dib uga qarxeen magaalada caasimadda u ah Suudaanta Koonfureed ee Jubba ayadoo dagaallada oo socday labadii maalmood ee ugu danbeeysay ay galaafteen nolosha in ka badan 100 qof.
Dagaalka dib uga biloowday Suudaanta Koonfureed ayaa lagu soo waramayaa in uu sii fidayo, ayadoo laga cabsi qabo in dalkaasi uu dib ugu laabto dagaalladii sokeeye ee uu kasoo baxay.
Dagaalladan ayaa u dhexeeya ciidamo daacad u ah Madaxweeyne Riek Machar iyo kuxigeenkii Salver Kiin, waxaana howlgalka Qaramada Midoobay ee dalkaasi uu xaqiijiyay in saaka uu dagaal dib uga biloowday magaaladaasi.
Qalalaasaha ka jira halkaas ayaa laga soo bilaabo Khamiistii ilaa maalintii sabtida waxaa ku dhintay 100 qof oo intooda badan ay ahaayeen askar ka kala tirsan dhinacyadii dagaalamayay.
Rasaasta ay is weeydaarsanayaan dhinacyada dagaalamaya ayaa saaka laga maqlayaa dhanka koonfur galbeed ee magaalada Jubba, gaar ahaan nawaaxiga xerooyin ay halkaasi ku leeyihiin ciiidamada Militariga iyo weliba xarunta ay Qaramada Midoobay ku leedahay halkaasi.
Goobjooge ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in rasaas xooggan ay ka dhaceeyso xerooyinka Militariga ee ku yaal xaafadaha Gudele iyo Jebel, oo u dhow saldhigyada Militariga dalkaasi, halkaasoo ay ku xareeysanyihiin ciiidamo daacad u ah Madaxweeyne Riek Machar.
Dagaalladan dib uga qarxay Suudaanta Koonfureed ayaa kusoo beegmaya ayadoo isafahan-waa siyaasadeed uu ka dhex aloosnaa madaxweeynaha dalkaasi iyo ku xigeenkiisa.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.
Dagaallo saaka dib ugu biloowday caasimadda Suudaanta Koonfureed
More News
- MAAMULKA TOGDHEER: Ciidanka Liyu Boolis 18-km ayay Somaliland Gudaha u soo galeen
- Ururka suxufiyiinta Puntland oo sheegay in ay Dacwad ka Gudbinayaan Wasiirka Warfaafinta
- Kulan dib loogu eegay Sharciga iIlaalinta badaha Somalia oo ka dhacay Muqdisho (SAWIRRO)
- Xukuumadda FS oo Taageertay Baaqii Culumada ee Dhanka ka ahaa Weerarkii Masjidul Nabawi
- Dhawr Ruux oo Shuban-biyood ugu Geeriyooday Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan
- Saraakiil ka Tirsan Ciidamada Booliiska Somalia oo Maanta loo taxaabay xabsi ku yaalla Muqdisho
- MADAXWEYNE XASAN: Doorashada 2016-ka Waxay ku dhici doontaa Musuq-maasuq La'aan
- Dowladda Somalia: Waxaan la Weeraray Xero ay Al-shabaab ku lahayd Gobolka Shabeelada Hoose
- Mareykanka: U Dabbaal Daggida Toddobaadka Soomaalida oo Lagu Qabtay Minneapolis
- Mareykanka: Cabsi Cusub oo Lasoo Daristay Texas Dallas
- SAWIRRO: Xorriyadda Somalia ee 01-da Luuliyo oo laga Xusay Magaalada Columbus, OHIO
- DUQA MUQDISHO: Amni-darada Xamar ka jirta Waxay ku timid Hubka oo aan Xakameysneyn
- PUNTLAND: Dilalka ka dhaca Gaalkacyo intooda badan Ma ahan kuwo ay ka dambeyso Al-shabaab
- Kenya: Hal Qof oo Weerar Lagu Dilay Mandheera