Mareykanka: U Dabbaal Daggida Toddobaadka Soomaalida oo Lagu Qabtay Minneapolis

Axad, Luuliyo 10, 2016 (HOL)-Waxaa todobaadkaan loo dabbaal dagay Todobaadka Soomaalida (ama Somali Week) dalka Mareykanka gaar ahaan magaalada Soomaalidu u badan tahay ee Minneapolis gobolka Minnesota.

Waxaa lagu xusaa toddobaadkaa qaranimada iyo gobonimada Soomaaliya tan iyo markii ay noqotay dal madax bannaan. Meelo kale oo carriga Mareykanka ah ayaa sidoo kale ay ka dheceen xaflado noocaa ah.

 

Meelaha kale ee kasokow Minnesota lagu qabtay u dabbaal dagida Todobaadka Soomaalida waxaa ka mid ah Ohio USA. 

Ururka KAJOOG ayaa soo qabanqaabiyay xaflada iyo fantasiyaha lagu qabtay Minnesota.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]