SAWIRRO: Xorriyadda Somalia ee 01-da Luuliyo oo laga Xusay Magaalada Columbus, OHIO

Axad, July 10, 2016 (HOL) — Soomaalida ku nool magaalada Columbus Ohio ee dalka Mareykanka waxay qaar kamid ah ka soo qeybgaleen xaflad loogu dabaaldagayay Maalinta Xorriyada Somalia ee 01-da Luuliyo, Taasoo ay soo Abaabuleen dhalinyaro isugu jirta kuwo wax ka barta Jaamacadaha iyo Kuliyadaha Columbus iyo qaar caadi ah.

Waxay ahayd xili aad u kulul waxaase u soo bareeray boqolaal dad ah oo lulayay calanka Baluugaa kuwaa oo horay u soo waday caruurtooda oo ay ugu labiseen dhar muujinaya midabada calankeena ee Baluuga iyo cadaanka.

Goobta ay xafladu ka socotay waxaa lagu soo bandhigay Heeso, Ciyaaro, iyo hadalo ay jeedinayeen dad bulshada door ku leh.

Inta badan dadkii ka hadlay waxay diirada saarayeen ahmiyada maalintan u leedahay shacab weynaha Soomaaliyeed iyo sida loogu bahanyahay in lagu mintido xoriyada loo soo dhintay oo aysan cidlo ku baylihin.

Dhallinyarada oo ah dadka ugu badan Soomaaliya ayaa qaar kamid ah dadkii hadlayay ay ku booriyeen in ay ku dadaalaan waxbarashada iyo horumarka si loo helo jiil ka bad qaba wixii soomaray dalka iyo dadka Soomaaliyeed 21 sano mudo ah.

Dad dhawaan kasoo laabtay Somalia ayaa ka sheekaynayay xaalada dalka iyo sida dhalinta wax baratay ama qibrada dhanwalba ka faaiidey dalalka qurbaha looga bahanyahay in dalkii ay ku laabtaan.

Waxay dadku aad ula jidboonayeen una jeclaysanayeen Heesaha wadanigaa oo qaarkood ka ilmeysiisay halka caruurta yar yar ay la qaadayeen fanaaniinta iyaga oo lulayay calanka.

Inkastoo dadka yimid ay u badnaayeen dhalinyaro hadana waxay ahayd fursad dhalinyarada ay waxbadan kaga faaiideysanayeen dadka isku imaaday.

Ugu dambeyn, Somalia ayaa 56-sano ka hor qaadatay xoriyada, waxayna soo martay xili dagaaleed oo aad u qaraar waxaana iminka muuqanaya is badal dhanwalbaa oo uu ku soo kabanayo dalka Soomaaliya taas oo dhiiro galisay in qurbo joog badan dalka dib ugu laabtaan .

Deeqo SONNA, Hiiraan Online
[email protected]  
Columbus, OHIO - USA