CARAB: Xiriirka Soomaaliyeed ee K/Cagta Kama Shaqeeyo Arrimaha Siyaasadda - kumana Dhisna


Khamiis, Janaayo 14, 2016 (HOL) — Guddoomyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, C/qani Siciid Carab ayaa maanta sheegay in xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta hawsha loo ig-maday ay tahay abaabulidda Tartamada kubadda cagta ee Gudaha dalka iyo dibaddiisa, isgaoo si kulul u beeniyay warar ay Warbaahinta Soomaalida Qaarkeed Qoreen oo ahaa baaq uu u jeediyay Al-shabaab inay kusoo biiraan tartamada ciyaaraha.

C/qani Sicid Carab ayaa sheegay in warkaas uu yahay mid la doonayo in lagu hor-istaago tartamada ciyaaraha oo haatan maraya meel aad wanaagsan, isagoo yiri.“La yaab ayay igu noqotay markii aan warbaahinta qaarkeed ka maqalay   warkaas been-abuurka ah.”

“Anigoo ku hadlaya magaca xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta waxaan cod dheer ku sheegayaa in warkaas uu yahay war xaqiiqda ka fog; waayo xiriirka Soomaaliyeed waxaan ka soo shaqaynayay markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya,“ ayuu yiri Carab oo raaciyay intaas in xiriirka Soomaaliyeed uu yahay mid xudud aan lahayn, maadaama uu ka shaqeeyo arrimaha bulshada, hawlihiisana ay ku yihiin ka shaqeynta arrimaha K/cagta.

Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray. “Warkaas aniga ma oran waxaana kuu caddeynaya wax xigasho ah ma lahan, waana war la been abuuray oo la doonayao in lagu jillaafeeyo horumarka uu gaaray xirirka.“ wuxuuna intaas ku daray inay soo dhaweynayaan cid walba oo doonaysa inay ka qayb-qaadato horumarka cayaaraha, maadaama ay yihiin kuwa abuura is-dhexgalka Bulshada kasoo qayb-galkiisana cid loogu yeero ma jirto.

Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ayaa ku tilmaamay warkaas been-abuur ah oo wax loogu dhibayo sharafta iyo haybadda xiriirka Soomaaliyeed, wuxuuna ku daray intaas inuu ku celinayo in xiririka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta uu mar waliba la macaamili doono cid kasta oo kubadda cagta jecel. 

Ugu dambeyn, C/qani Siciid Carab qani ayaa yiri. “Xiriirka Soomaaliyeed uma dul-qaadan doono, in bulshada lagu marin habaabiyo warar been abuur ah oo la doonayo in lagu hor-is-taago guulaha iyo horumarka uu Xiriirka Soomaaiyeed gaaray, gaar ahaan xilliyadii u dambeeyay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya