Madaxda dowladda dhexe iyo dowlad gobleedyada oo Kismaayo ku leh shirar gooni gooni ah



Khamiis, Janaayo 14, 2016 (HOL) —Ayadoo maanta magaalada Kismaayo si rasmi ah looga furay shirkii madasha wadatashiga qaran ee aayaha Soomaaliya ayaa waxaa soconaya shirar gooni gooni ah oo ay leeyihin madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka ka jira.

Shirkii maanta lagu daahfurayay madasha wadatashiga ayaa ka dhacay hoolka shirarka Daawad ee magaalada Kismaayo, waxaana markii uu soo idlaaday madaxdu ay aadeen guriga martida oo ku yaal nawaaxiga dekedda Kismaayo, halkaasoo ay ku yeelan doonaan shirar ay saxaafaddu bannaanka ka joogto.

Shirarkan ay yeelanayaa madaxda dalka ayaa ku qotoma nidaamka lagu saleyn doono doorashooyinka la filayo in dhammaadka sanadkan ay ka dhacaan Soomaaliya, ayadoo hogaamiyeyaasha dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe ay ku kala aragti duwanyihiin sida loo wajahayo doorashada sanadkan.

Madaxda dowlad goboleedyada qaar ayaa qaba in doorashada lagu saleeyo nidaamka 4.5, halka qaar kalena ay qabaan in nidaam degmo wax lagu qeeybsado oo beel walba ay kursi ka hesho deeganada ay ku leedahay dalka.

Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa aaminsan in hadii aysan madaxda dalku isu tanaasulin ayaga oo eegaya danta umadda Soomaaliyeed,in shirku ku dhammaan doono fashil, taasina ay keeni karto in umadda Soomaaliyeed oo indhaha ku heeysa natiiijada shirka ay kala kulanto niyad jab iyo rajo beel ku aadan mustaqbalka dalka oo hadda kasoo kabanaya dagaalladii sokeeye.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.