
Khamiis, Janaayo 14, 2016 (HOL) — Waxaa Goor-dhow ka Furmay Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, Shirka Wada-tashiga Qaran oo ah mid looga tashanayo qaabka doorasho ee dalka ka dhacaysa sannadkan 2016-ka dhammaadkiisa.
Furitaankii shirka ayaa waxaa ka hadlay madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Maxmauud iyo dhammaan madaxweynayaash maamul-goboleedyada Somalia, iyagoo hadalladooda ay u badnaayeen kuwo mahad-celin ah.
Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh ayaa sheegay in sihrkan uu yahay mid Soomaalidu ay isugu timid; ayna uga tashanayaan aayaha dalkooda, wuxuuna ku daray intaas in shirkan uu yahay guul u soo hayatay Soomaaliya.
“Shirkaan waxaa iska leh Soomaali, waxaana uu furmay maanta iyadoo aysan ku sugnayd madasha wax ajaanib ah, taasoo guul weyn u ah Soomaalida, waxaana rajo ka muujiyaa in ay shirkan kasoo bixi doonaan qodobbo loo aayo,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan oo hadal ka jeediyay furitaanka shirka.
Waxaa kaloo furitaanka shirkaan ka hadlay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] oo sheegay in shirkan looga tashan doono aayaha Somalia iyo doorashooyinka dalka ka dhici doona.
Dhanka kale, waxaa hadlay madaxweynayaasha maamullada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Puntland oo dhamaantood sheegay in shirkan ay ku go’aaminayaan doorashada dalka ka dhici doonta sannadka 2016-ka.
Ugu dambeyn, furitaanka shirka kaddib ayaa waxaa lagu wadaa inmas'uuliyiinta ka qayb-galaysa ay kulammo gooni-gooni ah ku yeeshaan guriga martida Kismaayo; kulammadaas oo aanay goobjoog ka noqon doonin saxaafadda.
Wixii kasoo kordha Shirka Wada-tashada Qaranka ee Doorashooyinka iyo shirarka Gaar-gaarka ah ee mas’uuliyiinta Soomaalida ay ku yeelanayaan Kismaayo waxaad kula socon doontaan wararka soo socda ee HOL haddii ALLE ogolaado.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya