Al-shabaab oo sheegtay inay qabsatay deegaan ka tirsan Degmada Ceel-buur ee Gobolka Galguduud


Khamiis, Janaayo 14, 2016 (HOL) — Al-shabaab ayaa sheegtay inay qabsatay deegaanka Ceel-shiil ee ka tirsan gobolka Galgaduud, kaddib dagaal culus oo shalay gellinkii dambe ay halkaas ku dhexla gashay ciidanka dowladda Somalia.

Dagaalkan ayaa la sheegay inuu ka dhashay khasare nafeed oo kala duwan. Inkastoo aan la ogeyn tirada dhabta ah ee khasaaraha dagaalkan ka dhashay, kaasoo aysan weli ka hadlin dowladda Somalia.

Shacabka deegaankaas ku nool ayaa xaqiijinaya in dagaalka uu muddo saacado socday, isla markaana uu jiro khasaare labada dhinac soo kala gaaray. Inkastoo haatan ay xaaladda deegaankaas deggen tahay.

Al-Shabaab ayaa shabakadaha taageera ku qortay in deegaanka Ceel-Shiil oo ka tirsan degmada Ceelbuur ay kala wareegeen ciidamada dowladda, ku dileen illaa siddeed askari oo ciidamada dowladda Somalia ka tirsan.

Balse, saraakiil ka tirsan ciidanka Somalia oo la hadlay warbaahinta ayaa waxay been aanay waxba ka jirin ku tilmaameen sheegashada Al-shabaab ee ah inay la wareegeen deegaankaas, ayna dileen cidammo badan, iyagoo sheegay inay iska difaaceen weerarka Al-shabaab.

Ugu dambeyn, Xarakada Al-shabaab ee Somalia ayaa ka talisa deegaanno badan oo ku yaalla bartamaha iyo Koonfurta Somalia, inkastoo sannadihii aynu kasoo gudubnay laga qabsasaday deegaanno badan oo muhiim ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya