
Khamiis, Janaayo 14, 2016 (HOL) — Culummada waa-weyn ee Somaliland, ayaa si Adag uga hor-yimid Xeerka Baananka Ribadda ah ee ay Golaha Wakiilada Somaliland Wadaaan, waxaanay sheegeen in aanu islaamku ogolayn in baanan Ribaawi ah la furto.
Sidoo kale, culimaddu waxay sheegeen in Baananka Islaamiga ay caalamka ka jiraan, isla markaana xidhiidh caalamka la leedahay Somaliland aanu waxba yeeeleen.
Sidaas waxay ka sheegeen shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Hargeysa, waxayna golaha wakiilada iyo ganacsataddaba ka fogaadaan inay xeerka Baananka Ribaawi ah dalka laga hirgalio maadaamo oo dalku yahay mid Islaam ah, isla markaana dadkiisu yihiin islaam.
Ugu horeyn Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir oo ka mid ahaa culimadda sida weyn uga hor yimid xeerka Baananka oomaalmihii u dambeeyey golaha Wakiiladda khilaaf ka dhaliyey, kuwaas oo xildhibaanadda qaarkoodna soo jeediyeen in la ansixiyo qaarkoodna ka soo horjeesteen ka dib markii kulan la yeesheen culimadda waaweyn.
“Qaraar marka la yidhaa way ka culus yahay shay hal mar la fuliyey, waxa laga yaaabaa inuu qarniyo badan jiri karo, waxa dhici karta in go’aan la dhigay in dib looga codeeyo ka dibna meesha laga saaro, sidaa awgeed cidhib xumo ayuu ku leeyahay dalka iyo dadkaba, cidda go’aankaasi khaladka ah gaadhaba”ayuu ku bilaabay Sheekh Maxamed Dirir oo golaha Wakiilada ugu baaqay in aan xeer aan shareecadda ka hor imanayn la ansixiyo.
Sheekh Dirir oo ka hadlaya xaaraanimadda Bangiyadda Ribada leh, waxa uu yidhi “ lix iyo sodan jeer oo Sinno ah ayey u dhiganta hal shilling oo aad cunto oo Ribo ah, marka shirka jaraa’id wuxu ahaa nasteexo iyo waano aanu u fidinayno laba qolo, waa ganacsatadda iyo qoladda uu horyaallo ee Golaha Wakiiladda, ganacsatada waxaan leeyahay xoolihiinu waa xoolahaygii, wax aanu kala leenahay ma jirto, , haddii uu xaaraan noqdo kaayagii oo uu xaaraan noqday ayuu ka dhigan yahay, waanu soo dhoweynayaa inuu maalku idinku kordho,waxaan idinka dhigayna in maalkaasi xaaraan noqdo, arrintan aanu ka hadlayna Somaliland oo qudha maaha soomaalida oo dhan way na soo waydiiyaan, waxyaalaha u badan ee ay ka cabanayaan waa Ribadda, iyo baanankii ribadu dhibaatadda ay ku hayaan, waa in aad looga digtoonaada baananka ribadda ah, waxay ribaddu saamaynaysaa cibadadii, reer galbeedkii baa ka cabaadaya baanankii Ribdda ah, Ra’isal wasaaraha Ingiririisku wuxu ku faanayey inuu ydhi waxaan ahay dalkii reer Yurub ee u horeeyey ee Furo baanki islaami ah, iyagoo taasna ay wanaageeddii ka dareemeen wanaaga uu baanka islaamigu leeyahay”.
Culimadda oo la hadlaya Golaha Wakiiladda waxa uu yidhi “Walaaladeen golaha Wakiilada waxaanu leenahay waa lagama maarmaan inaad masuuliyadda dareentaan, dee masuuliyadan ilaahay baa idinkula xisaabtamaya, umadani way dareemaysa, adigoo xabaalana in laguugu cadaabo way noqon karta, golah wakiilada marka uu doodayo ama fikirayo waa inuu ka duwanaada sida umada shisheeye u fikiraan waa inay nu ilaalino waxyaalaha mabaadiida islaamka ka soo hor jeeda ka durkaa, dadka qaar baa ku doodda wadamada islaamka qaar buu ka furan yahay shakhsiyaad iyo wadamo ka eegi mayno ee maxaa diintu ka tidhi ayaa muhiim ah, wadan in la daliilsada sax maaha mararka qaarkood inagu ka fiican”.
Sh. Maxamed Dirir ayaa Baananka Islaamiga ah usoo jeediyey inay dadkooda hantaan oo mashaariicda khayriga ah ku darsadaan, isagoo tilmaamay in qof hanti leh uun aan la maalgalin ee danyarta la caawiyo, isagoo talooyin usoo jeedinaya Baananka islaamiga ah waxa uu yidhi “Dadka qaar waxay ku doodaan in baananka dalkeena ka furan ay ku qaali gareeyeen dadkii wixii ay saarayeen macaashii ay heleyeen ayey ku qaali gareeyeen,waa sax weeyi baananka islaamiga ah ee wadanka ka furan nasteexooyinkan ayaanu usoo jeedinaynaa, faa’iidadda ay dadka saarayaan inay yareeyaan, kii Ribaddu wuxu ku faanayaa inuu saarayo boqolkiiba afar am shan, kii Islaamkuna waa inuu dhimaa faa’iidaddii, diintuna waxay faraysa dadka in loo naxariisto, dadka wax la aamihanaya aan lagu xidhin inuu hanti leeyahay, ta sadexaad waxa weeyi waa inay bixiyaan amaah aan dul saar lahayn oo ah mashaariic lagu caawiyo ururadda bulshadda iyo kuwo khayriga ah, taladda afraan ee aanu soo jeedinaya wax weeyi marar qaarkood waxa dhaca macaamiilka baanankaasi islaamigu samaynay inay ka yimaadaan khilaaf yaryar marka cida hawshaasi u fulinaysa waa inay daba galaan oo ay saxaan khaladaadkaasi baayaca ka iminaya, ta shanaad waxaan leeyahay in xeerarkii baananka islaamiga ah ee ay hore u ansixiyeen inay golaha u sharaxaan in aanu kanba caalamka inaga xidheen ee caalamku xidhiidh inala yeelan karo, imika markii aanu eegayna internetka sideed boqol oo Baan islaami ayaa ka shaqeeya caalamka islaamka oo aduunyada la shaqeeya, marka mecnaheedu maaha xeerka baanka islaamigu aduunkii buu inaga xidh xidhayaa ka Ribaawigu aduunku inoo furfurayaa, marka waa inay baananka islaamigu xukuumada iyo golaha wakiiladaba u sharaxaan in kan laftigiisa caalamka lala tagi karo oo lagu horumarin karo dalka, “
Culimadda ugu caansan Somaliland ayaa arrintan si weyn uga gilgilshay, iyagoo sheegay inay waajibaadkooddii iyo waanaddii diintu sheegtay u fidinayaan golaha Wakiiladda iyo ganacstadda hawshan wad wadda.
Si kastaba ha ahaatee, wax khilaaf xoogani ka dhex jira xeerka Baananka Ribaawiga ah oo ka dhex socda golaha Wakiiladda Somalilnad, waxana la sheegayaa in Baanan dibadda xarumo waaweyn ku leh dabadda ka riicayaan ansixinta xeerkan Baananka, waxaanay xildhibaanada wata xeerkani ku doodayaan in xeerkani yahay kii loo samaynayey Baananka Caalamiga ah si Somaliland loo maalgashan karo, iyagoo hore loo sameeyey xeerka Baananka Islaamiga ah, haseyeeshee si adag ayey culimaduna uga hadleen, iyago golaha Wakiiladda usoo jeediyey in aanay ansiixn wixii diinta iyo dhaqankaba dhibaato u keeni kara.
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland