Marxuum Abwaan Cali Sugulle Cigaal oo Maanta Aas Qaran loogu sameeyey Hargeysa (SAWIRRO)


Khamiis, Janaayo 14, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta ka qaybgallay aas qaran oo loo sameeyey Abwaankii weynaa Cali Sugulle (Dun-Carbeed) oo ka mid ahaa hal abuuradii Soomaaliyeed ee wakhtigi Gobonimo doonka kaalinta weyn ka qaatay.

Aaska qaran ee loo sameeyey Abwan Cali Sugulle waxa ka soo qaybgallay inta badan Ab-waanadda Soomaaliyeed, fanaaniinta, siyaasiyiin, dhalinyaro , waxa kale oo Maydka Ab-waanka la socday Fanaanka caanka ah ee Axmed Naaji Sacad iyo fanaaniin kale oo dalka Imaaraadka Carabta ka soo raacay.

Ugu horeyn Madaxweyne Siilaanyo ayaa tacsi u direy Abwaan Cali Sugulle oo uu sheegay inuu taariikh weyn ku leeyahay umadda Somaliland, isla markaana gobonimo doonkii uu kaalin libaax ka qaatay.

“Ilaahay ha u naxariisto Abwaan Cali Sugulle, Wuxuu ahaa Abwaan taariikh weyn ku leh wadanka, waxaa uu umadda u qabtay wax badan, waxaanu kaga tagay taariikh dheer”ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

Sidoo kale, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay wasiirka Arrimaha gudaha, Madaxtooyada, warfaafinta, maayarka Caasimadda, Abwaan Xasan Geney, Abwaan Axmed Saleebaan Bidde, Abwaan Axmed Naaji Sacad iyo fanaaniin kale.

Waxa xusid mudan in goobta aasku ka dhacayey ay maanta madaxweyne Silaanyo isku gacan qaateen siyaasiyiin ay aad iskaga soo horjeedaan, isla markaana muddo aanay is arag oo warbaahinta isku mariya dhaliisha, kuwaas oo maanta iskugu horeysay muddo dheer ka dib.

Qoraa Boobe Yuusuf Ducaale oo taariikh nololeedkii Abwaan Cali Sugulle ka diyaariyey ayaa u qornaa sidan: “Sidii uu ii sheegay dhamaadkii 1998kii mar aan Dubai ku wareystay, Cali Sugulle Cigaal “Dun-carbeed” wuxu ku dhashay magaalada Ood-weyne 1939-kii. Hooyadii waxay ahayd Dhool Xasan Xirsi. Wuxu ku barbaaray magaalada Berbera oo uu ka galay malcaamad Quraan. Markii uu dhammaystay Dugsiga Hoose, wuxuuna Dugsiga Dhexe ka galay Sheekh 1949kii. Sannadku markii uu ahaa 1951kii ayaa laga eryay Dugsiga Dhexe ee Sheekh isaga oo lagu eedeeyay muddaaharaad uu abaabulay oo la xidhiidhay ciyaar kubbadeed. Saaxiibbadii la galay abaabulkaa oo kaga baxay waa kii ku lahaa:

“Saaxiibbadayoow intay sababteen,  Sanduuqiina mayla qaadi weydeen”,

Tuducaas ayaa badiba loo yaqaannaa in uu ahaa wixii ugu horreeyay ee uu tiriyay. Laga soo bilaabo maalintas ilaa maanta oo uu geeriyoonayo Cali Sugulle Cigaal wuxu ku hawlanaa fanka iyo falkintiisa isagoo geedaha ugu doorka roon mey-dhax iyo mullaax-deedba uga diiri jiray.

Marka aynu fanka iyo dhudihiisa ka hadlaynno, Cali Sugulle Cigaal wuxu ka mid dadka aadka u tirada yar ee Ilaahay mowhibada u siiyay in uu hor yaal ku noqdo dhowr dhudood oo sida qof keli ahi u kulmiyaa adag tahay.

Dhowr iyo konton ayuu bilaabay in uu ka hawl-galo Waaxdii ama 'Department-kii' Xannaanada xoolaha. Muddo badan ayuu ka ka hawl-gelayay degmooyin badan oo Somaliland ka mid ahaa, halkaana waayo-aragnimo hodan ah ka korodhsaday. 1957kii wuxu galay Dugsigii Tababarka Xirfadaha ee Sheekh (VTC), halkaas oo uu ku jiray ilaa 1959kii xilligaas oo loo beddelay Boorame.

Wuu ka digo-rogtay oo sannadkii 1960-kii wuxu noqdya Karaani isaga oo ka hawlgeli jiray xafiiskyadii maamulka ee dawladdii Ingiriiska ee dalka gumeysan jirtay. Wuxu ka shaqayn jiray oo uu karraani ka ahaan jiray Xafiiskii Hawlaha Guud ee loo yaqaannay 'PWD-da'. Intaa ka dib ama xilliyadii danbe wuxu u wareegay Xafiiska Shaqaalaha oo loo yaqaannay 'Establishment-ka'.

Wuxu iiga sheekeeyay mar uu Addis-ababa dawada xoolaha kaga soo raray laba baqalood uu la soo lugeeyay. Wuxu sheekadaa ii marinayaa 1993-kii, maalmihii lagu jiray shirkii Boorame. Wuxu sheekada iigu daray in ay Boorame ka mid ahayd magaalooyinka ama degmooyinka uu ka hawl-galay. Hawshan xannaanada xoolaha oo uu waxoogaa ka shaqay-nayay waxay u suuro-gelisay in uu barto dad badan iyo deegaammo badan oo markii danbe wax weyn ku kordhiyay awooddiisii curineed ee faneed oo dhudo badan u qaybsamaysay.

Waxba wax la raajaa rag kuma sama e', Cali Sugulle Cigaal wuxu horyaal sida loola tar-tamaa adag tahay ku ahaa: curinta maansada, curinta iyo soo-saarista riwaayadaha, curinta heesaha, curinta alxaanta isaga oo lahaa kuwa ugu macaan ee ilaa maantadaa loogu jecel yahay. Wuxu si la yaab leh u yaqaannay ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka oo saldhig & hal-beegba u ahaa alxaantiisa ma-guuraanka ah, taas oo dhadhan gaar ah u yeeli jirtay alxaanta uu sameeyo baadi-sooc gaar ahna u ahayd”.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland