5/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 6 , 2015
Shir Maamulka Khaatumo uga Furmay Tuulada Balli-cad iyo Madax-dhaqan oo Qaadacay Shirka


Axad, September 06, 2015 (HOL) — Shir ayaa uga Furmay Tuulada Balicad oo Galbeed kaga beegan Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool qiyaastii 90-km Maamulka Khaatumo, iyadoo shirkan ay Qaadaceen odayaal-dhaqameed kasoo jeeda Gobolka Sool.

Shirkan oo maalmihii u dambeeyey Abaabulkiisu ka socdey tuulada Balicad ayaa waxaa ka Qayb-galay Mas’uuliyiinta Khaatumo, Xildhibaannada Baarlamaanka, Madaxda Dhaqanka iyo dadweyne deegaanno kala duwan ka yimid, iyadoo lagu Gorfeyn doono dhibaatooyinka ka jira degaanno kala duwan, Wixii u qabsoomay maamulka Khaatumo iyo dhibaatooyinka ka hor-yimid mudadii maamulku jiray.

Furitaankii Shirkaan oo ay saxaafadu dibad-joog ka ahayd kaddib ayaa shir jaraa’id oo ay Qabteen Golaha Dhaqanka iyo maamulka Khaatumo waxay ku sheegeen in shirkani yahay mid isla-xisaabtan ah.

Garaad Jaamac Garaad Cali oo u Hadlay Madaxda dhaqanka ayaa Sheegay inay Shirkan kaga hadli doonaan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka jira iyo sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha laga bartay muddadii maamulku jiray.

"Ma faahfaahinayo waxaanu shirka ka filayno, balse waxaan isla sugayaa waxay maamulka iyo baarlaamku soo gudbiyaan iyo waxaanu hayno, iyadoo ay noo socdaan shirar gaar-gaar ah" ayuu yidhi Garaad Jaamac Garaad Cali.

Sidoo kale, Madaxweynaha Khaatumo, Prof. Cali Khaliif Galaydh oo shirka jaraa’id isna ka hadlay ayaa sheegay in Maamulkiisu Wax badan Qabtay muddooyinkii u dambeeyay, Wax badanna ay ka barteen, waxaanu intaas ku daray inay shirkan isugu yimaadeed si ay iskula xisaabtamaan.

"Waxaa inoo yaalla hawlo badan oo nabaddu ugu muhiimsan tahay, mana aha deegaannada Khaatumo oo keliya, waxaa noo yaalla kuwa dariska, Soomaaliya iyo Bariga Afrikaba oo muddooyinkii u dambeeyey ay dhibaatooyin badani ka taagnaayeen," ayuu yidhi Galaydh.

Balicad oo ay ku sugan yihiin dad aad u badan oo ka kala yimid deegaano badan ayaa waxay Naawilayaan sidii ay xog uga heli lahaayeen Madaxda Khaatumo iyo rajada ay ka qabaan wax u Qabsooma maadaama ay Ragaadiyeen khilaafyada faraha badan oo isugu jira kuwo Gudaha maamulkaasi ka jira iyo kuwo kaga imaanaya maamullada Somaliland iyo Puntland.

Dhinaca kale, Qaar ka mid ah Madaxda dhaqanka oo aan imaan shirka Tuulada Ballicad ayaa sheegay inaan lagu Marti-qaadin shirka, waxayna sheegeen in khilaaf jiray Awgeed aanay haboonayn in dad la isugu yeero.

Ugu dambeyn, Madaxda dhaqanka ee Miisaanka leh ee aan Shirkaan imaan sheegayna in aanay u socon ayaa waxa ka mid ah; Garaad Saleebaan Garaad Maxamed, Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil iyo Ugaas C/laahi Ciise Nuur.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Soomaaliya