SAWIRRO: Deegaannadii Gobolka Shabeellada Hoose ee ay dhawaan la Wareegtay Al-shabaab


Axad, September 06, 2015 (HOL) — Al-shabaab ayaa soo bandhigtay maanta deegaanadii Gobolka Shabeellada Hoose ee ay dhawaan dib ula wareegeen, kaddib markii ay ciidamada AMISOM iyo kuwii Dowladda Somalia ee ku sugnaa ay isaga baxeen.

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegay in deegaanno dhowr ah oo Gobolkaas ka tirsan ay isku ballaariyeen ciidamadeeda, iyadoo shacabka deegaannadaasna ay xoogagga Al-shabaab ku soo dhaweeyeen isku-soo-baxyo.

Goobaha ay Al-shabaab dib ugu laabatay ayaa waxaa ka mid ah Kurtun-waareey oo ka mid ah Degmooyinka Gobolka Shabeellada Hoose oo ka mid ahayd Deegaannadii ay ka baxeen ciidamada AMISOM, waxaana ku sugan ciidamada Al-shabaab.

Sheekh Maxamed Abuu-Cabdalla oo ah Guddoomiyaha Al-shabaab u Qaabilsan Gobolka Shabeellada Hoose ayaa wareysi uu siiyay ku sheegay in xoogaga Al-shabaab ay si buuxda gacanta ugu hayaan degmada Kurtun-waareey iyo kuwo kale oo Gobolkaas ka tirsan.

Abuu-Cadalla ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay isaga Carareen Deegaanno Muhiim ah oo Gobolka ka tirsan; wixii ka dambeeyay Weeraradii lagu dilay qaar ka mid ah Askarta AMISOM ee ka dhacay Deegaannada Janaale iyo Leego oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose.

Ugu dambeyn, Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla ayaa Carrabka dhuftay in Al-shabaab ay dib u soo ceshatay degmooyin iyo deegaano muhiim ah; isagoo shacabka ugu bishaareeyay in ciidamada Afrikaanka ah ay ku jiraan marxalad dib u gurasho ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya