Dhallinyaro Magaalada Hargeysa ka Billaabay inay Shacabka ka Wacyi-geliyaan Qabyaaladda


Axad, September 06, 2015 (HOL) — Magaalada Hargeysa ee Xarunta Somaliland ayaa waxaa ka billowday olole ballaaran oo ay wadaan dhallinyaro deegaankaas kasoo jeeda, kaasoo shacabka looga wacyi-gelinayo dhibaatada ka dhalan karta Qabyaaladda.

Shacabka Haregysa ayaa loo sheegayaa in Qabayaaladdu ay leedahay dhibaato fara badan, isla markaana laga doonayo inay ka feejignaadaan dhibaatooyinkaas ayna iska daayaan Qabayaaladda iyo wixii la hal-maala.

Xubnaha Ololahan wada ayaa waxaa ka mid ah, C/kariin Axmed Mooge oo Warbaahinta u sheegay in fikraddan ay timid kaddib markii ay is-tuseen in shacabka Somaliland aan lagu kala geyn Qabyaalad, isla markaana ay si wadajir ah wax u Qabsadaan.

C/kariin Mooge ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in Ololahaan uu noqdo mid hir-gala, isla markaana meesha ay ka baxdo Qabyaalada iyo isku takoorideeda, shacabkuna ay si wadajir ah danahooda u fushadaan.

Ugu dambeyn, waa markii ugu horreysay oo olole noocan oo kale ah Magaalada Hargeysa laga billaabo, waxaana rajo badan laga muujiyay in Qorshahan ay billaabeen dhallinyarada ay noqoto mid suuro-gala.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya