
Axad, September 06, 2015 (HOL) — Wasaaradda Waxbarashada Somalia ayaa Maanta ku wareejisay warqadaha aqoonsiga deeqaha waxbarasho 20-arday oo Soomaaliyeed oo Deeq-waxbarasho Jaamacadeed ah ka helay Dalka Shiinaha.
Labaatankan Arday ayaa ka kala socday maamul-goboleedyada dalka ka jira iyo Gobollada Hiraan iyo Banaadir, Waxaana lagu wareejiyay Dukumiintiyadii ay ugu ambabixi lahayeen Waddanka Shiinaha.
Wasiiradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Wasiiru-dowladaha, Wasiir ku-xigeenka iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Somalia ayaa ka qayb-galay Munaasabada Ardaydan loogu qaybinayay Dukumiintadii ay ku dhoofi lahaayeen.
Sidoo kale, Wasiiradda Waxbarashadda Somalia, Khadro Bashiir Cali ayaa hadalo dar-daaran iyo dhiirri-gelin isugu jiray u jeedisay Ardayda Deeqda Waxbarasho ka helay Shiinaha, iyadoo xustay inay ka Tarjumaan oo ay ilaaliyaan Sharafta Soomaaliya oo ay matalayaan.
“Waxaan ku faraxsanahay in idinkoo ka socda Gobollada Soomaaliya inaad heshaan deeq waxbarasho, waxaadna wax u soo baranaysaan Dowladdiina iyo Dalkiinna, Waxaana idin kaga baahan-nahay inaad noqotaan safiiro wanaagsan oo dalkiinna u soo hoya sharaf iyo sumcad wanaagsan,” ayay tiri Wasiiradda Waxbarashada.
Ugu dambeyn, Qaar ka mid ah Ardayda ku Guulaystay Deeqda Waxbarasho ee Shiinaha Gabdho iyo Wiilal isugu jira oo ka Hadlayay Dareenkooda ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin Deeqda Waxbarashada Jaamacadeed ee ay ka heleen dalka Shiinaha.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya