Guuleed oo ka Hadlay Khilaafka kala Dhexeeya Ahlusunna iyo Mooshinka Madaxweynaha DFS


Axad, September 06, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in iyaga iyo Ahlusunnada ku sugan Magaalada Dhuusa-mareeb ay u socdaan Wadahadallo ku Aaddan sidii Maamulkiisa ay ugu soo biirin lahaayeen, isagoo sheegay in haddii wadahadalladu guul-dareystaan aanu aqbali doonin maamulkiisa ciidammo madax-bannaan oo jooga Deegaannada ay ka taliyaan.

Waxaa la weydiiyay Madaxweynaha Galmudug oo u Warramayay VOA su’aal ku saabsan in Golihiisa Wasiirradiisa uu magacaabay markii xubno Ahlusunna ka tirsan uu heshiis la galay, Dadka Qaarkoodna ay Qabaan in Xubnaha uu Heshiiska la Saxiixday aysan ahayn kuwii ay talada ka go’aysay sida kuwa Dhuuso-mareeb gacanta ku haya oo kale, wuxuuna ku jawaabay.

“Marka hore aan ku saxo; Ahlusunnada aan Heshiiska la galay ma ahan kuwo laga keenay Muqdisho ee waa kuwii Gobollada Dhexee ka Talinaysay, Waa kuwii siyaasiyiinta u ahaa Ahlusunnada Gobollada Dhexe. Sh. Ibraahim Guureeya waa mas’uulkii saxiixay heshiiskii Maamulka Gobollada dhexe lagu dhisayay isagoo Wakiil ka ahaa Ahlusunna, Waa Ninkii Golayaasha Ahlusunna Madaxda u ah. Sidoo kale Sh. Cumar C/qaadir waa ninkii Golaha Shuuradaha Madaxa ka ah, Sheekh Maxamed Alif waa ninka Golaha Fulinta Ahlusunna Madaxda ka ah. Marka madaxdii dhabta ahaa ee Ahlusunna Madaxda u ahaa ee lagama keenin Muqdisho.”

Isagoo sii hadlayaya ayuu Guuleed intaas ku daray. “Marka waxaan doonayaa in aan kuu sheego in Raggaan ay ahaayeen kuwii ay ka Go’nayd in deegaanndan laga dhiso maamul haddii aan la soo dhaweyn oo aan maamulka lagu soo darin; taasina macnaheedu wuxuu Noqonaysaa in ragga qoryaha wata lala heshiis, haddii aan sidaas sameynana waxay berri noqonaysaa inay iyagu qoryo qaataan, taasna ma ahan midda aan doonayno. Go’aankeenna waa inaan la heshiisnno midkii aanan qori wadan iyo kan qoriga wata labadaba.”

Su’aal kale oo la weydiiyay Guuleed ayaa ahayd, in tan iyo markii la doortay uu ku sugnaa Cadaado, dad badanna ay isweydiinayaan in Degmada Dhuuso-mareeb oo ah caasimaddii maamulkiisa ay gacanta ku hayso Ahlusunna oo Maamulkaaga ka soo Hor-jeeda, Marka maxaad ku Qancinaynsaa Ahlusunna Dhuuso-mareeb ku sugan, wuxuuna kaga jawaabay.

“Ahlusunna ku sugan Dhuuso-mareeb jooga iyo deegaannada la midka ah runtii xiriirro iyo wadahadallo ayaa noo socda waa jiran, inagoo ku qancinaynaa inay maamulka ka mid noqdaan iyo inaan diyaar ula nahay wax walba oo ay kaga mid noqonayaan maamulka Galmudug. Dabcan, innagu ma doonayno inaanu xoog adeegsanno haddii aysan duruuftu nagu khasbin, waxaanan doonaynaa in wixii khilaaf iyo kala ra’yi duwanaasho ah oo jira inaan ku xallinno wadahadal iyo wada-xaajood. Waanan rajeynaynaa in walaalaheen ay baaqyada nabadeed iyo dadaallada aan wadno ay ajiibi doonaan.”

Waxaa kaloo la Weydiiyay Guuleed, in hadalkiisa ay ku jirtay haddii aanay Duruufi nagu khasbin, taasi ay macnaheedu tahay haddii Ahlusunna ay diiddo baaqyada ay wadaan iyo gacan-haatisna inuu xoog isticmaali doono, wuxuuna su’aashaas kaga jawaabay.

“Waxaa xaqiiqo ah maamulka dowladnimo mar walba wanaag ayuu raadinayaa, laakiinse marnaba Waxaan la Aqbali doonin oo Dowladnimaduna aysan Ogoleyn inay ciidammo ka madax-bannaan ciidamada sharciga ah ee dowladda Somalia ay joogto deegaannada aan ka talinno, taasna waa mid iska cad, balse innagu ma walba waxaan diyaar u nahay wadahadal iyo gacan-haatis.”

Madaxweynaha Galmudug ayaa sidoo kale ka hadlay Xiisadaha kala dhaxeysa maamulka Puntland, isagoo xusay inay socdaan Wadahadallo labada dhinac u dhaxeeya. Wuxuuna ku daray intaas in maamulkiisa ay ka go’an tahay inuu wax walba oo khilaaf ah oo jira ay ku dhameynayaan Wadahadallo iyo Wada-xaajood.

“Innaga iyo Puntland waxaa noo socda wadahadal, waxaana rajeynayaa inay ku dhammaan doonto si dhaqso ah,” ayuu yiri Guuleed, isagoo ka jawaabay su’aal kale oo ahayd in isaga iyo Madaxweynaha Puntland, C/weli Gaas ay is-arkeen oo ay Wadahadleen, ayaa sheegay inaysan weli is-arkin oo ay jiraan dad u dhexeeya balse uu rajeynayo inay dhawaan is Arki doonaan si muranka jirana ay soo Af-jaraan.

Dhanka kale, C/kariim Xuseen Guuleed Wuxuu ka hadlay Safar isaga iyo Xubno ka tirsan Dowladda Somalia iyo AMISOM ay ku tageen Degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud, isagoo sheegay inay ka jirto Degmadaas xaalad aad u daran oo ka dhalatay Go'doominta ay ku hayso Al-shabaab.

“Safar gaaban ayaan maanta ku tagnay Ceelbuur aniga iyo mas’uuliyiin uu ka mid yahay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, waxaana safarkeennu ahaa si aan u soo qiimeynno xaaladda degmadaas ka jirta, waxaana kusoo aragnay waxyaabo aad nooga nixiyay. Wixii aan kusoo Aragnayna Waxaa ka mid ah in Adeegyadii Aasaasiga ahaa ay ka maqan yihiin, sida biyihii & caafimaadkii, shacabkii ku noolaana ay ka maqan yihiin,” ayuu Guuleed yiri.

Isagoo kasii hadlayay xaaladda Ceelbuur ayuu Guuleed mar kale yiri. “Runtii waxyaabaha kale aan kusoo aragnay waxaa ka mid ah in Degmadaas aysan ka furnayn Wax ganacsi ah, xaalad go’doon ahna ay ku jirto; ganacsiguna uusan geli karin.”

Sidoo kale, Guuleed ayaa sheegay in Saraakiisha AMISOM iyo kuwa Dowladda Somalia ee jooga degmadaas ay kala hadleen, sidii ay deegaannada ku dhow-dhow Ceelbuur loogu baahan yihiin ciidamada, si ganacsiga iyo waxyaabaha kale ee ay u baahan tahay ay u soo gaaraan, shacabkii ku noolaana ay ugu soo laabtaan.

Guuleed ayaa waxaa kaloo la Weydiiyay waxay Macno ahaan ku Fadhido inay Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay degmadaas ku sugnaadaan; maadaama aysan Degmada Go’doonka ka saari karin Shacabkii ku noolaana aysan kusoo celin karin, isagoo su’aashaas kaga jawaabay.

“Wallaahi… Waa waxyaabihii aan Saraakiisha Ceelbuur ku sugan kala hadalnay… Nasiib-wanaag waxaa nala socday Abaanduulaha AMISOM ee Somalia, dood iyo falanqeyn dheer oo aan Arrimahaas ka yeelannay Waxaa la isla gartay in Ciidammada AMISOM iyo kuwa Soomaaliya ee halkaas ku sugan lasoo Xoojiyo, si ay Howlgallo Deg-deg ah u Qaadaan oo deegaannada ku hareeraysan magaalada looga saaro Al-shabaab, si Degmada Ceelbuur iyo Magaalooyinka kale ee ku hareeraysan ay go’doonka uga baxaan noloshii caadiga ahaydna ay ugu soo laabtaan.”

Ugu dambeyn, C/kariin Guuleed ayaa la Weydiiyay Su’aal ku Saabsanayd sida uu u akro Mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha Soomaaliya oo ay si aad ah isugu dhow yihiin, gacanna ka geystay dhismaha maamulkiisa ayaa wuxuu jawaabay.

“Koley, Waxaan Is-leeyahay Dowladda Somalia ee hadda jirta howsheeda Sannad ayaa ka haray, sanadkaasna waa sannadka 2016-ka oo la asteyn lahaa dhanka uu dalku u dhaqaaqi lahaa… Inkastoo Xildhibaannada Baarlamaanka ay u madax-bannaan yihiin Howlahooda, haddana aysan xilligan habboonayn in jahwareer siyaasadeed iyo wax qas dalka gelin kara, keeni karana dib u dhacna ku keeni kara geeddi-socodka siyaasadeed, waxaan is-leeyahay baarlamaanka Soomaaliya iyo hay’adaha kale ee dowladda inay arrintan maareyn karaan.”

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya