Ururka dhalinyarada gobolka Hiiraan oo eedeyn u jeediyay Guddoomiye ku-xigeenka Amniga


Axad, September 06, 2015 (HOL) — Gudoomiyaha Ururka dhalinyarada Gobolka Hiiraan, Maxamed C/llaahi Buuraale (Raaxeeye) ayaa Shir jaraa'id oo uu Maanta Beledweyne ku qabtay ku eedeeyay Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Hiiraan, Max'ed Ibraahim kaasoo uu ku sheegay inuu fara-gelin ku hayo qaab-dhismeedka ururka dhallinyarada.

''Waxaan rabnaa in aan halkan maanta ka cadeyno in guddoomiye ku-xigeenka ammniga iyo siyaasada maamulka gobolka fara-galin cad ku hayo qaab dhismeedka ururka midowga Dhallinyarada Gobolka, kaddib markii uu maalintii Shalay ku soo Dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Baladweyne, Munno Xasan Maxamed oo horay u ahayd Guddoomiye ku-xigeenkii ururka dhalinyarada, balse markii dambe xilka laga qaaday, iyadoo sheeganeysa mas'uuliyad aan jirin oo cid u dhiibatay aan la arag, ayuu isagoo waliba ah guddoomiye ku-xigeenkii Amniga iyo Siyaasadda Gobolka ku magacaaban ku soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Beledweyne,” ayuu yiri Raaxeeye.

Sidoo kale, Mas’uulkan ayaa wax lala yaabo in ku tilmaamay in shaqsi haya mas'uuliyad Qaran kala qeybin Qabyaaladeysan ka dhax bilaabo dhalinyarro Soomaaliyeed oo 25 sanno kadib garatay in ku midoobaan hal aragti, waxaana uu intaa ku darray in sharicga la tiigsan doonaan guddoomiye ku-xigeenka.

''Dabcan maamulka iyo ururka dhalinyarrada waa labo hay'adood oo kala madax-banaan, wadda shaqeyn wey ka dhaxeyn kartaa, laakiin maamulku ma'aha in uu fara-galin ku sameeyo qaab dhismeedka ururka dhalinyarrada, waliba iyada oo la qabyaaladeynayo, waxaan leenahay arrintaa sharciga ayaa horgeyn doonnaa, cidna ka aqbalimeyno inay ururka dhalinyarada siyaasadeyso, waa urur bulsho,''' ayuu yiri guddoomiye ku-xigeenka oo ay dhiniciisa fadhiyeen xubnaha ururka.

Wuxuu sheegay in sababta ugu weyn ee markii horeba loo aasay ururkan dhalinyarrada aheyd in markii ugu horeysay dhalinyarrada ku dhaqan gobolka Hiiraaan muujiyaan in ay ku midoobi karaan hal aragti taa oo lagu guuleystay, hasse ahaatee waxaa uu sheegay in arrin nasiib darro ah tahay qof mas'uuliyad qaran haya isku dayo in uu dhalinyarrada u isticmaalo siyaasad qabiil.

“Annigoo ku hadlaya dhamaan magaca xubanaha ururka dhlinyarrada waxaa dalbaneynaa in muddo 24-saac ah jawaab uu ka bixiyo Guddoomiye ku-xigeenka Falkaas uu ku kacay, umana  Dul-qaadan karno magaca maamulka in lagu abaabulo kala qeybin iyo in dhibaato looga dhex-abuuro Dhallinyarrada Gobolka," ayuu Hadalkiisa sii Raaciyay.

Eedeyntan ayaa noqoneysa tii ugu ballaarneyd oo ay ururka dhalinyarrada gobolka Hiiraan u soo jeediyaan xubin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan.

Guddoomiye ku-xigeenka oo aan dhinaciisa aan isku daynay in aan la hadalno nooma suur-tagalin.

Ugu danbeyn, Guddoomiyaha Midowga Dhallinyarrada Gobolka Hiiraan ayaa ku sheegay shirkiisa jaraa’id inuu dhawaan Muqdisho uga soo qeyb-galay kulankii dib-u-eegista dastuurka federaalka, kaa oo ay ka soo qeyb-galleen inta badan ururada dhalinyarrada ka dhisan gobolllada dalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya