5/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 6 , 2015
Ciidamada Itoobiya ee AMISOM oo isaga baxay Deegaanka Buq-aqable ee Gobolka Hiiraan


Axad, September 06, 2015 (HOL) — Wararka naga soo gaaraya Deegaanka Buq-aqable oo dhacda galbeedka magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya inay halkaas isaga soo baxeen ciidanka Itoobiya ee Qaybta ka ah Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM oo dhawaan kala Wareegay Al-shabaab.

Sarkaal u Hadlay Ciidanka Dowladda Somalia ayaa ku Tilmaamay Sababta ay Buq-aqable uga soo baxeen ay tahay xeelad millateri, waqtiganna ku sugan yihiin meel aan wax badan ka fogeyn dhawaanna dib ugu laaban doonaan.

“Haa… waa jirtaa inaan isaga soo baxnay deegaanka Buq-aqable, balse meel aan ka fogeyn ayaa haddana joognaa, dhawaanna dib ayaan ugu laaban doonnaa,'' ayuu yiri Sarkaalkan u hadlay Ciidamada Dowladda Somalia oo lagu magacaabo Max'ed Cumar Idiris.

Dhinaca kale, Dagaal Culus oo la isku Adeegsaday Hubka Noocyadiisa kala duwan ayaa Maalintii shalay ku dhaxmaray dhulka u dhaxeeya Deegaannada Nuur -Fanax iyo Booco ciidammo ka tirsan kuwa Jabuuti ee AMISOM ka tirsan iyo xoogaga Al-shabaab, waxaana dagaalkaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inkastoo howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ka soconayaan qeybo badan oo ka mid ah Gobolka Hiiraan, Haddana markaad dhinaca kale eegto waxaa iska caadi ah inaad maqasho Ciidamada is-bahaysanaya oo ka baxay Deegaan ay kala Wareegeen Al-shabaab, Taasoo Jahwareer badan ku keentay Shacabka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]  
Beledweyne, Soomaaliya