Qaraxyo ka dhacay Hoteel uu Ra’iisul Wasaaraha Yemen deggenaa oo ku yaalla Cadan (SAWIRRO)


Talaado, Oktoobar 06, 2015 (HOL) — Ugu yaraan 15-askari oo ahaa ciidamada qaybta ka ah isbahaysiga uu hoggaaminayo Sucudiga ayaa ku geeriyooday qaraxyo ka dhacay maanta hoteel ay degenaayeen Ra’iisul wasaaraha waddanka Yemen, Khaled Bahah iyo saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidammo ka tirsan isbahaysiga caawinaya xukuumadda dalka Yemen.

Qaraxyadan oo ahaa kuwo waaweyn ayaa ka dhacay hoteelka Qasr oo ku yaalla bartamaha magaalada Cadan ee Koonfurta dalka Yemen, kaasoo saldhig u ahaa ciidamada Imaaraadka Carabta ka socda ee ku sugan Yemen.

Ra’iislu wasaaraha Yemen, Khaled Bahah iyo xubno kale oo xukuumaddiisa ka tirsan ayaa la sheegay inay ka badbaadeen qaraxyadan, khasaare soo gaarayna aysan jirin.

Kooxda Islaamiga ah ee ISIS ayaa sheegay mas’uuliyadda weerarradan, iyadoo afhayeenka xukuumadda Yemen, Rajeh Badi uu u sheegay warbaahinta inay qaraxyadaan ka dhasheen gantaallo laga soo ganay saddex goobood oo ku dhow magaalada Cadan.

Balse, wargeys kasoo baxa Cadan oo lagu magacaabo Al-Ghad ayaa baahiyay in uu kasoo xigtay ilo wareedyo ka tirsan ciidamada amniga Yemen in qaraxyadan ay ahaayeen kuwo ka dhashay gaadiid waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in kooxo ku hubeysan qoryaha fudud iyo hoobiyeyaal ay la dagaalameen ciidammadii ilaalada ka hayay albaabka weyn ee hoteelka Qasr oo ku yaalla xaafadda Al-Bureiqa ee magaalada Cadan, markaa kaddibna ay dhaceen qaraxyo waaweyn.

Wararku waxay intaas raaciyeen in kooxda dableyda ah ay sidoo kale weerareen saldhigga ay ku sugnaayeen ciidamada Imaaraadka Carabta, saldhiggaasoo aad ugu dhow dhismaha Sheekh Farid Al-Awlaqi iyo dhisme ay hoy ahaan ciidamada Imaaraadku u degenaayeen oo ku yaalla xaafadda Al-Shaab.

Dhanka kale, wargeyska Al-Ghad oo soo xiganayay wasiirka dhallinyarada iyo cayaaraha xukuumadda Yemen, Nayef al-Bakri ayaa baahiyay in wasiirku uu u sheegay in qaraxyada loo adeegsaday gaadiid lasoo miineeyay.

Mohammed Al-Saadi oo ah siyaasi ayaa isagana u sheegay Reuters in xilliga uu dhacayay qaraxa ay ra’iisul wasaaraha Yemen iyo xubno ka tirsan wasiirradiisa ay jiifeen hoteelka, isagoo xusay in markii uu qaraxu dhacay dhammaan laga daad-gureeyay hoteelka.

Wasiir-u-dowlaha arrimaha dibadda Imaaraadka Carabta Anwar Gargash oo isna la hadlay warbaahinta ayaa weerarradan ku eedeeyay xoogagga Xuuthiyiinta iyo ciidammo daacad u ah madaxweynihii hore ee Yemen Cali C/lla Saalax oo uu ku eedeeyay inay ka go’an tahay inay burburiyaan Yemen. Isagoo cambaareeyay weerarradaas.

“Tani waxay muujinaysaa in Xuuthiyiintu ay ku guul-darreysteen dagaalladii ay kula jireen ciidamada dowladda iyo kuwa isbahaysiga, ayna dagaalkii u bedeleen inay isticmaalaan weerarro gaadmo ah, qaraxyo iyo gataallo,” ayuu Gargash ku sheegay hadalkiisa.

Ciidamada daacadda u ah dowladda Yemen iyo kuwa gacanta siinaya ee uu hoggaaminayo Sucuudiga ayaa bishii July ee sannadkan 2015-ka ka saaray magaalada Cadan xoogaggii Xuuthiyiinta, taasoo u ogolaatay in RW-hii iyo madaxweynihii dalkaas oo dibad-joog ahaa ay dib ugu soo laabtaan dalkooda.

Ugu dambeyn, Qaramada Midoobay ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in bilhii la soo dhaafay 4,900 oo qof oo ay ku jiraan 2,355 qof oo rayid ah lagu dilay duqeymaha ay dalka Yemen ka wadaan diyaaradaha dagaalka ee isbahaysiga uu horkacayo  Sucuudiga.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya