
Talaado, Oktoobar 06, 2015 (HOL) — Guddiga difaaca suxufiyiinta caalamka ee CPJ ayaa ka hadashay xariga laba wariye oo ka tirsan xafiiska Universal Tv ee Muqdisho, kuwaasoo 02-dii bishan Oktoobar ay xireen ciidamada amniga dowladda Somalia, waxaana CPJ ay si adag u cambaareysay xariggan.
CPJ ayaa sheegtay in ciidanka dowladda Somalia ay weerareen horraantii bishan Oktoobar xafiiska Universal ee Muqdisho ayna xireen laba suxufi oo telefishinkan u shaqeynayay kuwaasoo kala ah; C/llaahi Kulmiye Xirsi iyo Cawil Daahir Salaad, kuwaasoo illaa iminka u xiran dowladda Somalia.
“Kuliye iyo Cawil ayaa la xiray markii looga yeeray xafiiska hay’adda sirdoonka iyo nabadsugidda dowladda Somalia ee gobolka Banaadir. Waxaana lagu hayaa xabsiga Godka Jilicoow, waana mid sababtay walwal dhinaca amniga suxufiyiinta ah,” ayaa lagu yiri warbixinta guddiga CPJ.
Sidoo kale, guddigu wuxuu sheegay in albaabada loo laabay xafiiskii Universal ay ku lahayd Muqdisho. Iyadoo aan xiridda telefishinka lahayn xilli go’an. Waxaana uu guddigu sheegay inaanay jirin sabab rasmi ah oo ka dambeysa xariggooda.
“Waan cambaareynaynaa xarigga C/llaahi Kuliye iyo Cawli Daahir iyo xiritaanka xafiiskii Universal Tv ee Muqdisho,” ayuu yiri wakiilka CPJ ee Afrika, Tom Rhodes oo intaas ku daray. “”Waxaan ugu baaqaynaa maamulka Somalia inay joojiyaan xadgudubyada ka dhanka ah wariyeyaasha, isla markaana ay xushmeeyaan madax-banaanida saxaafadda, sida uu qabo dastuurka dalka.”
Xafiiska weyn ee telefishinka Universal ayaa ku yaalla magaalada London ee xarunta dalka Britain, welina waxaa telefishinka laga daawan karaa dunida, inkastoo la xiray xafiiskoodii Muqdisho.
Guddiga difaaca Suxufiyiinta dunida ayaa warbiixntooda ku daray in xariga wariyeyaasha iyo shaqo ka fariisiinta telefishinka ay timid kaddib markii laga baahiyay barnaamij dood ah oo ay ka qaybgaleen xildhibaanno ka tirsan golaha baarlamaanka FS oo kala ah; xildhibaan Cabdi Xaashi C/llaahi iyo xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf.
“Wasaaradda wafaafinta Somalia waxay wadahadal kku saabsan sidii loo sii dayn lahaa wariyeyaahan kula jirtaa hay’adaha amaanka Qaranka, sida uu u sheegay afhayeenka dowladda Somalia, C/ramxaan Cumar Cismaan,” ayaa mar kale lagu yiri warbixinta CPJ.
Ugu dambeyn, guddiga ayaa sheegay in maamulka Jubbaland uu isaguna xiray xafiiska Universal Tv ee Jubbooyinka bishii Ogoosto ee sannadkan, markii ay ku eedeeyeen inay baahiyeen warar lagu kicinayo bulshada.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya