Talaado, Oktoobar 06, 2015 (HOL) —Shir ay maanta isugu yimaadeen gudoomiyaha gobolka J/hoose iyo hay'adaha ka howlgala deegaanada gobolka J/hoose ayaa looga wada hadlay sida ugu haboon ee looga hortagi karo fatahaad laga cabsi qabo in uu sameeyo webiga Jubba ee mara sedexda gobol ee uu ka arimiyo maamulka Jubbaland.
Kulankan ayaa looga dooday sida looga hortagi karo in ay waxyeelo geeystaan fatahaadaha laga cabsi qabo in uu sameeyo webiga Jubba, maadaama aalaaba marka uu webigu fataho ay qasaarooyin kasoo gaaraan dadka ku nool deegaanada uu maro webigaasi.
Gudoomiyaha gobolka J/hoose Mudane Cabdirashiid Cabdulaahi gooni oo kulanka markii uu soo dhamaaday kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in kulankoodu ku qotomay sidii looga gaashaaman lahaa fatahaadaha ay dhici karto in uu sameeyo webiga Jubba.
"Runtii fikirro badan iyo dood dheer kadib go'aanada la qaatay waxay noqdeen in marka hore baaq ama wargein dheer lagu wargeliyo beesha caalamka, gaar ahaan hay'adaha aan dowliga ahayn kuwa gudaha, kuwa caalamiga ah iyo wadamada deeqaha bixiya in ay arintaasi u diyaargaroobaan wixii agab ah ee ay hayaanna ay usii diyaaragaroobaan," ayuu yiri gudoomiyuhu.
Gudomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in loo baahanyahy in adeegyada ay fuliyaan hay'adaha kala duwan ee gudaha iyo kuwa caalamiga ahba la doonayo in ay ku baahiyaan guud ahaan gobolka, isagoo sheegay in hay'adihi dhammaantood ay isugu soo urureen Kismaayo, islamarkaana ay go'doon noqdeen bulshada ku dhaqan qaar kamid ah deegaanada gobolka J/hoose.
Webiga Jubba oo mara sedexda gobol ee Jubbaland ayaa marka uu fataho wax ay aalaaba qasaaro lixaad leh kasoo gaartaa dadka beeraleeyda ah ee dalagyada kala duwan ku beerta deegaanada uu maro webigaasi.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.
Maamulka Gobolka Jubbada Hoose oo ka digay fatahaad laga yaabo inuu sameeyo webiga Jubba
More News
- Hay'ada Nabadsugida oo Warbixin ka soo saartay Xirista Wariyeyaasha iyo Xafiiska Universal TV
- Qaraxyo ka dhacay Hoteel uu Ra’iisul Wasaaraha Yemen deggenaa oo ku yaalla Cadan (SAWIRRO)
- AKHRISO: Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Madaxweynaha oo soo saaray War-saxaafadeed
- Kulan looga hadlay nidaamka Federaal ee ay ku dhaqmi karto Somalia oo ka dhacay Muqdisho
- JAWAARI: Berri ayuu furmi doonaa shirka looga hadlayo Mooshinkii laga keenay Madaxweynaha
- Facebook oo billaabaysa Sanadka 2016 Satellite ay Internet ku gaarsiinayso Qaaradda Afrika
- Shirkii PAN AFRICAN oo ka Furmay Magaalada Johannesburg ee Koonfur Afrika (SAWIRRO)
- Ciidanka Badda Maamulka Puntland oo u xusay Sanad-guuradii 5-aad ee Aas-aaskooda (Sawirro)
- CPJ oo ka cambaareysay Xariggii Wariyeyaasha Telefishinka Universal ee ku Xiran Muqdisho
- Kulan looga Hadlayay Xanuunnada Maskaxda oo lagu Qabtay Minnesota (SAWIRRO+VIDEO)
- Dowladda Kenya oo walaac xooggan ka muujisay Qorshaha dib u celinta Qoxootiga Soomaaliyeed
- Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka hadashay dhismaha Maamulka Hiiraan & Shabeelada dhexe