Talaado, Oktoobar 06, 2015 (HOL) — Fadhiga koowaad ee kal-fadhiga afaraad ee kulanka baarlamaannada Afrika ee Pan Afrika ayaa ka furmay xaruntiisa ku taalla xaafada Mid-ran ee magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika, kulankaan oo wax badan ka bedelaan fadhiyadiisii hore.
Kal-fadhigaan ayaa waxaa kasoo qayb-galay inta badan xildhibaannada baarlamaanka Pan Afrika, waxaa furay madaxweynaha dhawaan loo doortay baarlamaanka Pan Afrika, Roger Nkodo Dang. Sida caadada u ah fadhi kasta oo furmaya waxaa furitaankiisa kasoo qayb-gala mid ka mid ah madaxda Afrika, waxaana fadhigaan lagu waday inuu kasoo qayb-galo madaxweynaha Koonfur Afrika, Jacob Zuma, isagoo madaxweynuhu u soo wakiishay furitaanka kulanka wasiiradda arrimaha dibadda ee xukuumaddiisa, Maite Nkoana-Mashabane.
Kulanka Pan Afrika ayaa dhanka kale waxaa iyagana goob joog ahaa mas'uuliyiin ka kala socday waddamada iyo ururada Afrika oo uu ka mid ahaa xog-hayaha sadexaad ee xagga siyaasadda ee safaaradda Somalia, Maxamuud Suudaani iyo dublamaasi kale oo ka socday waddamada ay xildhibaannadooda ka tirsan yihiin baarlamaanka Pan Afrika iyo xubno matalayay Midowga Yurub.
Wasiiradda arrimaha dibadda Koonfur Afrika, Maite Nkoana-Mashabane oo ka hadashay qaar ka mid ah ajandayaasha fadhigaani looga hadli doono ayaa tilmaamtay wada-xaajood-yada dunida iyo Qaramada Midoobay ay ugu jiraan sidii wax looga qaban lahaa isbadalka cimilada adduunka inay waajib tahay inay Afrika qaybteeda ka qaadato maadaama ay arrintaani ka cabanayaan dalalka horumaray.
Mudane C/casiis C/llaahi Maxamed (Xukun)oo ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Somalia u matalayo baarlamaanka Pan Afrika oo faahfaahin dheer ka bixiyay fadhiga uga furmay xaafadda Midran ee Magaalada Johannesburg ayaa sheegay kulankaan looga hadli doono arrimo badan oo xagga ammaanka Afrika ah oo ay soo if-baxayaan wadamada qaar qalalaaso hor leh iyo arrimo badan oo ku saabsan horumarka iyo is-dhexgalka shacabka Afrika, wuxuu intaa ku daray ka Soomaali ahaan inay soo bandhigayaan waxyaabaha dowlad ahaan uga aaddan iyo kuwa sida gaarka ahba uga quseeya ajandayaasha looga doodayo fahiga koowaad ee kal-fadhiga afaraad ee baarlamaanka Pan Afrika.
Ugu dambeyn, mudanayaasha baarlamaanka Somalia u matala baarlamaanka Pan Afrika oo ah shan xubnood oo uu soo xaadiray hal xildhibaan ayaa la filayaa in afarta xildhibaan ee kale ay maalmaha soo socda soo gaaraan xarunta baarlamaanka Pan Afrika. Fadhigaan oo socon doona mudo labo isbuuc ah loogana arrinsan doono arrimo ay ka mid yihiin tamarta qorraxda sidii looga faa'iideysan lahaa, isbadalka cimilada, horumarinta haweenka, sidii Afrika loo gaarsiin lahaa inay yeelato hal cod noqotana hal qaran iyo doodo ku saabsan dhibaateyntii ay dadka Koonfur Afrikaanka ahi u geysteen dadyowga Afrikaanka ah.
Mahad Maxamed Sheekh (Istiila)
E-mail: [email protected]
Pretoria, Koonfur Afrika
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)