Ciidanka Badda Maamulka Puntland oo u xusay Sanad-guuradii 5-aad ee Aas-aaskooda (Sawirro)


Talaado, Oktoobar 06, 2015 (HOL) — Ciidanka badda maamulka Puntland ayaa u dabaal-dagay sannad-guuradii shanaad ee kasoo wareegtay markii la aasaasay, kaddib xaflad ka dhacday xarunta ciidankan ay ku leeyihiin degmada Boosaaso.

Xaflada ayaa waxaa goobjoog ka ahaa sariikiisha ciidanka badda Puntland, xubno ka tirsan golaha wasiirrada, guddoomiyaha baarlamaanka, maamulka gobalka Bari, kan degmada Boosaaso, madax ka socotay dowladda Imaaraatka Carabta iyo marti sharaf kale,iyadoo ciidamadu ay soo bandhigeen gaaddo-ka-ciyaar iyo dhoolla-tus.

Waxaa goobta hadallo ka jeediyay saraakiisha ciidanka badda Puntland iyo mas’uuliyiintii kale ee ku sugnayd xafladda, waxayna inta badan khudbadahaas ku saabsanaayeen wax-qabadkii ciidamada iyo ujeeddada loo dhisay markii hore, waxayna hambalyo u direen ciidamada ilaalada xeebaha Puntland.

Saraakiisha iyo madaxdii kasoo qayb-gashay dabaal dega ayaa ciidamada ku ammaanay hawsha ay u hayaan dadkooda iyo dalkooda, isla markaana salaan sharaf ka gudoomay.

Intii ay socotaya xafladda ayaa lagu soo bandhigay gawaarida kala duwan ee ay isticmaalaan ciidamada, gaar ahaan kuwa nooca dagaalka ah ee loo isticmaalo badda iyo berriga.

Admiral C/risaaq Diiriye Cismaan oo ah taliyaha ciidamada badda Puntland oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in sababtii loo asaasay ciidanka ay ahayd in lala dagaallamo burcad-badeeda iyo sidoo kale dib u soo noolaynta sharciga xeebaha Somalia, iyadoon guulo fara badan laga gaaray.

Dhanka kale Axmad Saciid Qolombe oo ah agaasmie ku xigeenka ciidanka badda Puntland oo isna ka hadlay madasha ayaa u hambalyeeyey ciidamada badda Puntland, isla markaana goobta si muuqaal ah ugu soo bandhigay wax qabadka ciidamada.

Ugu dambeyn, Wasiirka dekadaha, gaadiidka badda iyo la dagaallanka burcad-badeedda Puntland, Cabdullaahi Jaamac Saalax iyo guddoomiyaha baarlamaanka Puntland, Saciid Xasan Shire oo ka mid ahaa madaxdii ka hadashay xaflada ayaa sheegay inay ciidamada badda yihiin ciidanka kaliyah ee ka jira Soomaaliya, isla markaana tayadooda marka la eego ay u muuqdaan kuwa jiray sanado badan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya