
Talaado, Oktoobar 06, 2015 (HOL) — Shirkadda Facebook ayaa shaacisay inay billabayso sannadka soo socda ee 2016-ka Satellite ay Internet—ka ku gaarsiin deegaannada fog-fog ee Qaaradda Afrika, taallaabadan oo noqonaysa middii ugu horreysay oo Facebook ay ku dhaqaaqdo.
Agaasimaha Facebook, Mark Zukerbberg ayaa xusay in howshan ay kala shaqeyn doonto shirkadda Faransiiska laga leeyahay ee Eutelsat, si uu internet-ka waafi ah ay u gaarsiiyaan dadka deggen meelaha fog ee Qaaradda Afrika.
Sidoo kale, Warbixin uu ku saxiixan yahay madaxa Facebook, Mark Zuckerberg ayaa lagu xusay n AMOS-6 satellite la dhisayo uuna joogi doono samada Qaaradda Afrika, waxaanu intaas ku daray in tani ay dabooli doonto baahida Internet ee Qaaradda.
Facebook ayaa sheegay inay ku leeyihiin labaatan milyan oo macaamiil Nigeria iyo Kenya, iyadoo dadka badankood ay isticmaalayaan taleefoonada gacanta lagu qaato ee Mobiles-ka.
“Tallaabadan waa mid aan ku doonayno in Facebook ay isku xirto dadka dunida jooga oo dhan, xitaasi taasi waxay macnaheedu noqonaysaa in nalaga arko meelo innaga aad nooga fog,” ayuu ku yiri Mark Zuckerberg bartiisa Facebook-ga.
Mashruucan ayaa imaanaya xilli ay shirkadda Facabook kala kulantay dhaleeceyn qaar ka mid ah waddada caalamka. Waxaana dalalkaas ka mid ah dalka Hindiya oo ay ku leedahay shirkaddu ganacsi ballaaran oo dhinaca adeegyada Internet-ka ah.
Shirkadda Internet.org ayaa wadda tijaabooyin ku aadddan sidii Internet-ka ay u gaarsiin lahayd meelaha fog-fog ee uu ciriiriga ku yahay helitaanka Internet, si ay u helaan dadka meelahas ku nool Internet ay awoodi karaan.
“Sannadihii u dambeeyay Facebook waxay wadday qorshayaal ay Internet-ka ku gaarsiin lahayd dadka saaran diyaaradaha iyo kuwa kale ee Satellite-yada la socda,” ayuu mar kale ku yiri bartiisa Facebook madaxa shirkaddan Zuckerberg.
Isagoo intaas ku daray. “Waxaanu hadda doonaynaa inaan isku xirto bulshada ku kala nool gobollada fog-fog ee dunida, halkaasoo aanay ka jirin isgaarsiin ay ku xiriiri karaan.”
Dhanka kale, shirkadda Eutelsat ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay waxay ku sheegtay in sannadka soo socda ay rajeynayaan inay dadka deegaannada fog ku nool ay u heli lahaayeen Internet ay isticmaalaan.
“Waxaa la filayaa in Internet-ka aan baahin doonno uu dadka u sahlayo inay si fudud u helaan Internet ay qalabkooda ku isticmaali karaan,” ayay shirkaddu ku tiri hadal ay soo saartay.
Shirkadda ayaa hadalkeeda ku dartay. “Eutelsat iyo Facebook waxay Internet-ka gaarsiin doonaan meelaha fog-fog ee Afrika si bulshooyinka ku nool ay u helaan Internet awood leh oo ay si fudud u isticmaali karaan.”
Ugu dambeyn, Shirkado badan ayaa horay uga hirgeliyay dunida Internet fudud oo laga isitmcaali karo Satellite-ka, balse mashruucan ayaa noqonaya mid lagu doonayo in Internet-ka lagu gaarsiiyo shacabka ku nool dalalka soo koraya oo ay ka mid tahay Afrika.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya