
Khamiis, Luuliyo 16, 2015 (HOL) — Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somalia, Nicholas Kay iyo Safiiradda Britain ee Somalia, Harriet Mathews ayaa ugu Hambaleeyay Shacabka Soomaaliyeed Maalinta Ciidul-Fidriga oo Berri ku beegan.
Danjire Kay ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray Caawa ku yiri. “Waxaan Ciid Mubaarak u dirayaa dhammaan Bulshada Soomaaliyeed ee Maalinta Berri ah u Dabaal-degaya Ciidda Soonfur ama Ciidul-Fitriga. Kaddib markii ay dhameysteen waajibkii bisha barakeysnayd,” ayuu yiri Dadnjire Kay.
Sidoo kale, wakiilka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay xusuustaan dadka dan-yarta ah ee aan haysan inta ay haysano. Waxaan rajeynayaa inay ku dhameysan doonaan buu yiri shacabka Soomaaliyeed dabaal-dagga Ciidda si ay ku jirto nabad iyo xasillooni.
Dhanka kale, haweeneyda ah dajiraha Britain ee Somalia, Mathews ayaa iyadana Fiidiyow ay soo duubtay ku sheegtay inay ugu hambalyeynayso dhamaan dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan Ciidda Soon-fur, kaddib markii ay soo dhameysteen Waajibka Bisha Barakeysan ee Ramadaan.
DAAWO: Hambalyada Munaasabadda Ciidda ee Safiiradda Britain ee Soomaaliya;
“Galab-wanaagsan marka hore waxaan Umadda Soomaaliyeed leeyahay Ciid Wanaagsan,” ayay Safiiraddu ku tiri Erayo kooban oo Afka Soomaaliga ah, iyadoo markaas u bedelatay inay ku hadasho Af-Ingiriis, waxayna xustay in ciidan ay tahay mid timid kaddib markii ay dhammaatay bishii Ramadaan.
Safiiradda UK oo sii hadlaysay ayaa tiri. “Waxaan Imid Magaalada Muqdisho Anigoo ah Danjiraha Britain ee Soomaaliya, waxaana jecelahay inaan arko sida ciidan ay ugu dabaal-dagayaan Shacabka Soomaaliyeed, maadaama lagu jiro xilli Somalia ay dib u dhismayso.”
Dhanka kale, Harriet Mathews ayaa intaas raacisay in dowladda & Shacabka Soomaaliyeed ay u waddo fariin kaga timid Xukuumadda Biritan; tasoo ah inay kala shaqeyn doonto sidii nabadda iyo xasilloonida Somalia dib loogu soo celin lahaa.
Ugu dambeyn, waxay Hadalkeeda ku Xustay inay ku Faraxsan tahay in Soomaali badan oo ku nool UK ay doonaya inay kaalin muuqata ka qaataan dib u dhiska waddankooda, iyadoo Hadalkeeda kusoo Gunaanaday Ciid Mubaarak.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya