
Khamiis, Luuliyo 16, 2015 (HOL) — Dowladda Federaalka Soomaaliya, Somaliland iyo Puntland ayaa ku dhawaaqay caawa in berri oo Jimco ah ay tahay maalin Ciid ah, iyadoo Deegaanno ay ka mid yihiin Gobolka Sool iyo Magaalada Buuhoodle iyagana laga arkay bilshada bisha Shawaal.
Caawa ayay si rasmi ah Wasaaradda Arrimaha Diinta iyo Owqaafta Somalia ayaa sheegtay in Jimcaha Berri ah ay Tahay Ciid, iyadoo Masaajidda ku yaalla Muqdisho laga Maqlayay caawa fiidkii Takbiirta ciidda, taasoo muujinaysa inay berri tahay Maalin Ciid ah.
Wariyaha HOL ee Gobolka Sool, Seynab Cabdi Warsame ayaa soo sheegtay in deegaanno ka mid ah Gobolka Sool iyo Magaalada Buuhoodle Fiidnimadii caawa laga arkay bilashada bisha Shawaal.
Sh. Daahir Ismaacil Dhawre oo ku sugan Buuhoodle ayaa sheegay in tuuladda Cara-weyn oo Qiyaastii 50-km Waqooyi-bari kaga beegan Buuhoodle ay bisha Shawaal ka arkeen 20 rag ah.
Tuulada Meygaagle oo Dhinaca Waqooyi ka xigta Magaalada Buuhoodle ayaa laga Arkay bisha Soonfur, taasoo soo af-jartay 29-maalmood oo lasoo Soomay Bishii Barakaysnayd ee Ramadaan.
Marka la aado dhinaca Magaalada Taleex ee Gobolka Sool ayaa iyadana waxaa bisha laga arkay Tuulada Kalcad oo 40-km Waqooyi-Galbeed kaga beegan Bilashada Bisha Shawaal sida ay dad badan u xaqiijiyeen Shabakadda HOL.
Dhanka kale, Qaar ka mid ah Culumada Gobolka Sool ayaa iyagu diidan inay dhammaatay Bishii Ramadaan, mana ahan mid cusub, iyadoo Sanad kasta la arko arrintan oo kale.
Ugu dambeyn, Caawa Suuqyada Magaalada Laascaanood ee Xarunta Sool ayaa furan si ay dadku uga adeegtaan, iyadoo ganacsatada goobaha ganacsiga sheegeen in illaa xilli dambe oo caawa ah ay furnaan doonaan.
Si kastaba ha ahaatee, Dalal badan oo Caalamka Islaamka ka mid ah ayaa laga iyagana ku dhawaaqay inay maalinta berri ah tahay maalin ciid ah, waxaana ka mid ah; Saudi Arabia, Lubnaan, Turkiga, Kuwait, Gini, Benin iyo kuwo kale, halkaasoo ay durba ka billowdeen Dabaal-dagyada lagu soo dhaweynayo Ciidul-Fidriga.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya