Hoggaamiyaha Ururka Daalibaan oo Sheegay in Islaamku uusan Diidayn in lala Hadlo Cadow


Khamiis, Luuliyo 16, 2015 (HOL) — Hoggaamiyaha Kooxda Daalibaan ee Dagaalka ka wadda dalka Afghanistan, Mullah Maxamed Cumar ayaa taageeray wadahadalada ay kula jirto kooxdiisa mayalka adag dowladda ka talinasa dalka Afgaanistaan.

Mullah Cumar oo Warbixin soo saaray ayuu ku sheegay hogaamiyahan oo hadda ku jira go’doon in sharciga Islaamka uusan ka hor-imaanayn in Wadahadallo lala galo Cadowga.

Sidoo kale, wuxuu xusay in wadahadalladan ay horseed u noqonayaan in lasoo afjago colaadda dalkaas ka jirata iyo joogitaanka ciidamada shisheeye ee ku sugan dalka Afgaanistaan.

Wadaadku si faahfaasan ugama uusan Hadlin halka ay Wadahadalladu marayaan, iyadoo wadahadalladan ay garwadeen ka tahay dowladda Bakistaan oo daris la ah Af-gaanistaan.

Farriintan uu soo diray Mullah Cumar ayaa waxay noqonaysaa tii ugu horreysay oo uu kaga hadlo wadahadallada aan tooska ahayn ee u dhexeeya dowladda dalkaas ka talinaysa Afgaanistaan iyo kooxdan Islaamiga ah ee xiriirka la leh Al-Qaacida.

Ugu dambeyn, Ciidamada NATO ayaa Bishii December ee sannadkii hore si rasmi ah u soo Af-jaray Howlgalkoodii Afghanistan ay ka wadeen, balse ciidamadoodii ayaa weli ku sugan dalkaas.

Si kastaba ha ahaatee, NATO ayaa Sheegay in Ciidamadooda weli ku Sugan Afgaanistaan ay Tababarro siiyaan Ciidamada Afghanistan, Waxaana la Filayaa in iyaguna ay ka baxaan dalkaas dabayaaqada Sannadka soo socda ee 2016-ka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya