
Khamiis, Luuliyo 16, 2015 (HOL) — Jen. Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo ka mid ah saraakiisha ciidamada DF Somalia ayaa Maamulka Ahlusunna ugu baaqay inay u tanaasulaan Shacabka ku dhaqan Gobollada dhexe ee Galmudug.
Sidoo kale, Yuusuf Jen. Indha-cadde ayaa ku Boorriyay Kooxdan oo Magaalada Dhuuso-mareeb gacanta ku haya inay ka Tanaasulaan go’aankii ay qaateen, ayna DFS la billaabaan Wadahadal, ayna qaataan wixii ay xaq u leeyihiin.
“Ahlusunna ha utanaasulaan Shacabka Goballada Dhexe, dowladdana Wadahadal hala galaan, ha raadsadaan waxay xaqqa u leeyihiin haddii ay waayaanna ay eegaan danta shacabkooda,” ayuu yiri Jen. Indha-cadde.
Dhinaca kale, Jen. Indha-cadde ayaa soo hadal-qaaday diidmada Puntland ee ku aaddan maamulka Galmudug isagoo sheegay in hadda ay muhiim tahay in la wadahadlo, lana dhameeyo wax walba oo jira.
“Puntland waxaa laga doonayaa inay xaaladda dajiso, isla markaana ay aqbasho wadaha-dallada lagula jiro si loo helo Soomaali mid ah iyo daris-wanaag,” ayuu yiri Jen. Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-cadde.
Ugu dambeyn, Indha-cadde ayaa ugu Baaqay Mas’uuliyiinta Galmudug in ay isku mid u noqdaan shacabka ku nool gobollada dhexe ayna ku dadaalaan sidii ay ula hadli lahaayeen Ahlusunna.
Si kastaba ha haatee, Ahlusunna Waljamaaca oo Dhawaan Magaalada Dhuuso-mareeb ka qabsaday Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kasoo horjeestay maamulka lagu dhisay degmada Cadaado ee loo bixiyay Galmudug, sidoo kalena waxaa dhankeeda ka hortimid Puntland.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya