SAWIRRO: Hay’adda Samafalka ee Tadamun oo Deeq Gaarsiisay Qoxootiga Xerada Boosaaso


Khamiis, Luuliyo 16, 2015 (HOL) — Hay’adda Waddaniga ah ee Tadamun ayaa Deeq gaarsiisay xerada qaxootiga magaalada Bosaso, taasi oo loogu tala galay sakaatul fidriga iyo ciidul fidriga.

Deeqda Tadamun gaarsiisay xerada qaxootiga ayaa isugu jirtay raashiin iyo lacag cadaan ah. Waxaa deeqda soo dhiibay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool gobalka Hordland ee dalka Norway, waxa ayna soo marsiisay Tadamun oo iyadan dhinaceeda soo gaariisay qaxootiga.

Lacagta jaaliyadda Soomaaliyeed ee Norway soo dhiibtay  ayaa gaaraysay 7, 780 doolar.

Madaxa mashaariicda Tadamun Ibraahim Cabdullaahi Maxamad oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in qeyb ka mid ah lacagta ay ku soo gadeen raashin loogu tala in lagu bixiyoqaab  sakaatul fidri ah, isla markaana la siiyey  qaxootiga ku sugan xerada.

Waxa intaasi ku daray Ibraahim in raashiinka uu ka koobnaa 200 kiish oo bariis ah iyo timir.

Waxaan ku anbabixinaynaa lacagaha kale qaxootiga ku sgugan xerada ee ku wajahan gobolada dalka Soomaaliya, sidoo kale maalinta ciida waxaan ugu soo gadaynaaqeyb ka mid ah lacagta  xalwad iyo sharaab si farxad ciida ula qeyb sadaa umadda muslimiinta ah ayuu yiri Ibraahim

Nabadoon Cabdiqaadir Axmad Ibraahim Xarago ayaa sidoo kale madasha ka hadlay, waxa uuna u mahad celiyey Tadamun, isla markaana sheegay in ay muhiim tahay in caawiyo qaxootiga soo qaxay.

Ugu dambeyn, Hay'adda Tadamun waxay ka qayb-qaadataa arrimaha hormarinta bulshada iyo midda bini’aadamnimada.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya