
Khamiis, Luuliyo 16, 2015 (HOL) — Warar hordhac ah ee la helayo ayaa sheegaya in laba ka mid ah Saraakiisha sare ee Al-shaabaab lagu dilay Duqeyn Diyaaradeed oo ka Dhacday Saaka Aroornimadii hore duleedka degmada Baar-dheere ee Gobolka Gedo.
Sidoo kale, Saddex sarkaal oo la socday gaadiidka la duqeeyay ayaan la ogeyn xalaadooda sida ay tahay, iyadoo duqeyntan ay imaanayso xilli howlgallo ay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Somalia ay ka socdaan Gobolka Gedo.
Goobjoogayaal ku sugan degmada Baardheere ayaa sheegay inay saaka aroortii maqleen Qaraxyo waaweyn, balse aysan ogeyn khasaaraha ka dhashay, iyadoo sidoo kalena aysan dowladda Somalia iyo Mareyknaku aysan weli ka hadlin duqeyntan la sheegay in lagu dilay saraakiil ka tirsan Al-shabaab.
Xarakada Al-shabaab ayaan iyaduna weli ka hadlin duqeyntan la sheegay in lagu dilay saraakiil hoggaankooda ka tirsan, inkastoo aan weli si dhab ah loo ogeyn khasaaraha ka dhashay duqeyntaas oo ay geysteen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka .
Wixii kusoo kordha wararka ku saabsan duqeyntan waxaad kula socon doontaan wararka soo socda ee HOL haddii ALLE ogolaado.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya