
Khamiis, Luuliyo 16, 2015 (HOL) — Ra'iisul Wasaaraha Somalia, Cumar C/rashiid Cali ayaa kula kulmay magaalada Garoowe ee Xarunta Puntland, saraakiil ka tirsan ciidamada maamulka Puntiland oo muddo bilooyin ah gadood uga maqnaa magaaladaas.
Sharma’arke ayaa sheegay inay dadaal xooggan ugu jiraan sidii maamulka iyo saraakiisha ciidamada gadooday la isku fahamsiin lahaa, iyadoo ciidamadan ay horay u sheegeen inay kasoo horjeedaan dhibaatooyin ay ku hayso Puntland.
Jen. Muxyadiin Axmed Muuse oo ahaa Sarkaalkii Hoggaaminaya Cciidamadan oo shalay kusoo laabtay magaalada Garoowe ayaa sheegay inay ku yimaadeen codsiyo uga yimid Isimada iyo Waxgaradka Puntland iyo sidoo kale RW Somalia iyo Hoggaamiyaha Jubba Sheekh Axmed Madoobe oo ku sugan Puntland.
“Waxaan ku Nimid Garoowe Codsi Nooga yimid Waxgarad, Isimo, RW Soomaaliya iyo hoggaamiyaha Puntland, waxaana la doonayaa in innaga iyo maamulka halkaan (Puntland) ka jira nala dhex-dhexaadiyo,” ayuu yiri Jen. Muuse.
Sidoo kale, kulanka dhexmaray saraakiisha ciidamada gadoodsan iyo RW-ha Somalia oo dhacay xalay ayaa socday muddo dheer, inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin wax-yaabihii la isku af-gartay.
Dhanka kale, saraakiisha ciidamadan gadooday ayaa sheegay inay rajo weyn ka qabaan in xiisadda u dhexeysa iyaga iyo Puntland xal laga gaaro, iyagoo intaa ku daray inay diyaar u yihiin inay maqlaan talooyin walba oo loosoo jeediyo.
Ugu dambeyn, RW Somalia ayaa maalintii saddexaad ku sugan Garoowe, isagoo halkaas uga Qayb-galaya kulan looga hadlayo xoojinta wadashaqeynta dowladda Soomaaliya iyo Maamullada Puntland iyo Jubbaland.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya