Khamiis, Janaayo 22, 2015 (HOL) — Guddida Doorashooyinka Somaliland, ayaaa maanta kulan aan warbaahinta loo ogolayn la yeeshay saddexda Xisbi ee Somaliland, kuwaasoo la sheegay inay usoo bandhigeen jadwalkii shaqadoodda iyo sida ay hawlaha u horyaala u bilaabi doonaan.
Masuuliyiinta ka socda xisbiyadda Qaranka ayaa niyad sami ka muujiyey qaabka ay usoo bandhigeen guddida Doorashooyinku sheegeen inay shaqadda ku bilaabayaan.
“Saddexda-yadii Xisbi qaran ayaa halkan taagan waxaanu ka Nimid Kulan Ka dhacay Komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland,Kulan Kanina waxa uu ka mid yahay Kulamada lagu dar-dar galinayo Hawla doorashooyinka, marka hore komiishanku waxa ay warbixin Xisbiyada ka siyeen siday wax u socdaan oo ay ka mid yihiin Qalabkii Qandaraas-yada sida diwaan galinta iyo Xiliga Doorashada oo ay iyagu gacanta ku hayaan”ayuu yidhi guddoomiye ku xigeenka xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin oo ka hadlayey wuxuu daarna kulankii dhexmaray xisbiyadda iyo Komishanka Doorashooyinka.
“Waxay noo shegeen in ay ku jiraan sidii ay ugu safri lahaayeen gobolada dalka si loo eego Goobaha Cod Bixinta ee doorashadu ka dhacayso kuwaas oo ay kawadda qayb galayaan Xisbiyada iyo komiishanka qaranku iyo in la joogteeyo Hawlaha Xisbiyada iyo komiishanka si looga ilaaliyo Wixii qaybo ah.”ayuu hadalkiisa raaciyey.
Musharax kuxigeenka jagada Madaxtinimada ee Xisbiga UCID C/rashiid Xasan Mataan, ayaa sheegay in kulankani ahaa mid ay ku soo bandhigayeen hawl maalmoodkooda shaqo iyo sida ay hawsha u bilaabayaan taas oo uu xusay inay ku taageereen.
“Dalku shuruuc ayuu leeyahay,sharcina waynu kuwada shaqaynaa,wixii farsamo ah marka ay xisbiyadu iska arkaan ee laga Maar-maan tahay oo Arin Farsamo tahay Danta qarankuna ku jirto oo muddo kordhin ah waa la aqbalayaa,Laakiin intaas wax ka dhiman oo ku xad gud-baya sharciga dalka cidna Aqbali Mayso.”ayuu yidhi C/rashiid Riyo raac oo ku hadlayey magaca xisbiga WADANI.
Si kastaba ha ahaatee, saddexda xisbi waxay taageereen qaabka ay ugu soo bandhigeen shaqadda iyo sida ay doonayaan inay u kala horaysiiyeen, kuwaas oo muujiyey inay doorashaddu wakhtigeedda ku dhici karto haddii si degdeg ah shaqada loo gallo.
Xisbiyadda mucaaradka ah ayaa baryahan dambe ka daardaar werinayey inay wakhtigeedda doorasho ku dhacdo, iyagoo dhawr jeer oo horana soo jeediyey in haddii doorashaddo bisha June dhici waydo la dhiso dawlad wadaaag ah oo ka kooban saddexda xisbi.
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland