Qarax Xooggan oo lagu Weeraray Hotel SYL oo kasoo horjeeda Madaxtooyada


Khamiis, Janaayo 22, 2015 (HOL) — Qarax is-miidaamin ah ayaa goor-dhow waxaa lagu weeraray hoteelka SYL oo ku yaalla kasoo horjeeda madaxtooyada Somalia, kaasoo 10-kii bishan Jannaayo lagu qabtay shirkii wasiirrada arrimaha dibadda ee IGAD.

Illaa hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee uu qaraxan geystay, iyadoo la sheegay in illinka hore ee hoteelka uu burburay, inkastoo aan faahfaahin intaas ka badan laga bixin, iyadoo warar kala duwan ay kasoo baxayaan qaabka uu qaraxu u dhacay.

Wararka qaarkood ayaa sheegaya in qaraxan loo adeegsaday baabuur, halka wararka qaar kalena ay sheegayaan in uu fuliyay qaraxan oo ahaa mid xooggan qof ay jirkiisu ku xiran yihiin waxyaabaha qarxa, balse illaa hadda lama oga waxa qaraxan loo adeegsaday.

Hoteelkan ayaa ku yaalla illinka laga galo madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay, iyadoo sidoo klaena aysan jirin cid sheegatay weli in ay mas'uul ka tahay weerarkan.

Qaraxan is-miidaaminta ah ayaa wuxuu kusoo beegmayaa weerarkan xilli ammaanka guud ee Muqdisho si aad ah loo adkeeyay lana filayo inuu berri oo Jimco ah soo gaaro Muqdisho madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan.

Si kastaba ha ahaatee, qaraxa ayaa ahaa mid si aad ah looga maqlay magaalada Muqdisho inteeda badan, iyadoo uu imaanayo weerarkan xilli ay madaxda dalka sheegeen in amniga caasimadda uu yahay mid aad u wanaagsan.

Wixii kusoo kordha qaraxan waxaad kula socon doontaa wararka HOL ee soo socda haddii ALLE ogolaado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya