Khamiis, Janaayo 22, 2015 (HOL) — Ku-xigeenka wakiilka cusub Q.M. ee Soomaaliya, Raisedon Zenenga ayaa maanta Muqdisho soo gaaray si uu ula wareego xafiiska kaalmada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.
“Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan fursad u helo inaan dib ugu soo noqdo Somalia kuna taageero himilooyinka dadka Soomaaliyeed ee ah inay helaan mustaqbalka nabad, xasilloon oo barwaaqo, laakiinse dhibaatooyin waaweyn ayaa horyaalla, waana inaan kawada shaqeynaa sidii aan horay loogu wadi lahaa horumarka ay dadka Soomaaliyeed doonayaan inay helaan,” ayuu yiri Zenenga.
Sidoo kale, mas’uulkan ayaa intaas ku daray. “Maalmaha soo socda waxaan ku han-weynahay inaan la kulmo mas’uuliyiin ka socota dowladda Somalia iyo baarlamaanka, AMISOM iyo IGAD iyo weliba saaxiibo kale oo badan oo aan kawada shaqeeyno nabadaynta iyo dowlad-dhisidda Somalia.”
Zenenga ayaa ka shaqeyn doonaa taageerada loo fidiyo arrimada la siinayo mudnaanta siyaasadda, xuquuqda aadanaha, sarreynta sharciga iyo kala dambeynta iyo hay’adaha amaanka.
Mas’uulkan ayaa wuxuu aqoon-dheer u leeyahay hannaanka siyaasadeed iyo kan dhex-dhexaadinta; maareynta hawlgallada nabad-ilaalinta; wuxuuna waayo-aragtinimo durugsan u leeyahay la shaqeynta dowladaha iyo dhinaca kale ee muhimka ah ee ay arrintu khuseyso ee xaaladaha colaadda iyo colaadda ka dib intaba.
Ku xigeenkan ayaa wuxuu 30-sano ah lasoo shaqeeyay Qaramada Midoobay, dowladaha iyo diblumaasiyada. Wuxuu 21-sano oo ka mid ah 30-kaas sanno Qaramada Midoobay kala soo shaqeeyay dalalka Liberia, Ciraaq-Kuwait, Sierra Leone, Soomaaliya iyo xarunta Qaramada Midoobay.
Ugu dambeyn, Zenenga wuxuu bedelayaa, haweeneydii xilkan kaga horreysy ee Faatixa Serour uu dhalatay dalka Al-Jeeriya taasoo dhameysatay xilkeedii ay u haysay UNSOM bishii Nofembar ee sannadkii hore 2014-kii.
Si kastaba ha ahaatee, xoghayaha guud ee QM ayaa xilka u soo magacaabay Zenenga bishii Disembar 2014-kii. Ka hor intaan xilkan loosoo magacaabin, wuxuu ahaa ku-xigeenka ergeyga arrimaha siyaasadda ee Hawlgalka QM ee Koonfurta Suudaan (UNMISS).
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya