Khamiis, Janaayo 22, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Puntland Cabdi wali Maxamed Cali Gaas ayaa magaalada Garowe kula shiray madaxda hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka howl-gala deegaanada Puntland,iyadoo shirkan uu ahaa mid diiradda lagu saarayay wada shaqaynta labada dhinac.
Hay’adaha shirka lala yeeshay waxaa kamid ahaa UNHCR ,UNDP ,WFP, WHO iyo qaar kale oo badan ,waxaana shirkan uu imaanayaa ,iyadoo abaaro xoogan laga soo sheegayo qaybo kamid ah deegaanada fog-fog ee laamiga ka baxsan,.
“Waxaa madaxweynahu uu waxqabadkooda ka dhagaystay madaxda hay’adaha Qaramada Midoobay ee halkan ka shaqeeya “ayaa lagu yiri war si kooban looga soo saaray shirkan oo socday muddo saacado ah.
“Madaxda hay’adahu waxa ay goobta ka caddeeyeen in aysan jirin wax caqabad ah oo soo food-saartay intii ay ka howl-galayeen Puntland sanadkii la soo dhaafay “ayaa mar kale lagu yiri warkan ka soo baxay madaxtooyada.
Maamulka madaxweyne Cabdi Wali Gaas ayaa hay’adaha ka codsaday in ay baahiyaan waxqabadkooda ,waxaana shirkan uu daba-socdaa mid lagula xisaabtamayay wasaaradaha iyo hay’adaha maxaliga ah ee ka howl-gala gobolka.
Ugu dambayn ,maalmo ka hor waxaa Garowe lagu soo gaba-gabeeyay shir soconayay hal maalin, kaasi oo diiradda lagu saaray la tacaalidda isbadalka cimilada Soomaliya ,waxaana joogay inta badan hay’adaha taageera dowladda Somaliya iyo maamulka Puntland.
Faysal Mohamed Hassan
[email protected]




