Xiisad dagaal oo weli ka taagan deegaannadii lagu diriray ee Gobolka Hiiraan

Khamiis, Janaayo 22, 2015 (HOL) — Wararka naga soo gaaraya deegaannada u dhaxeeya xadka gobolka Hiiraan iyo Itoobiya ayaa sheegaya in wali halkaa ay ka jirto xiisad colaadeed oo u dhaxeysa xoogagii dhawaan halkaa ku dagaallamay.

Dad ku sugan deegaannadii dhawaan lagu dagaallamay ayaa HOL u sheegay in wali ay jiraan dhaq-dhaqaaqyo colaadeed iyo isku hub uruursi labada dhinac ah, walina meelaha qaar is hor fadhiyaan maleeshiyada dhinacyadii dagaallamay.

Dagaalladii ugu danbeeyay ee ka dhacay deegaannada Daafoow, Xoda-wagle, iyo Budhinlle ayaa waxaa ku dhintay ku dhawaad 30 ruux oo ka kala tirsanaa dhinacyadii uu iska horimaadku dhaxmaray.

Odayaasha iyo waxgaradka magaalada Beledweyne qaarkood ayaa eedeyn kulul dusha uga tuuray madaxweynaha dowlad deegaannka Itoobiya Cabdi Max'uud Cumar oo ay ku edeeyeen  mas'uuliyada dagaalladii ugu danbeeyay ee  ka dhacay ka dhacay gobolka Hiiraan, kaddib markii ay dagaalladaa ku lug yeesheen ciidammada Liyuu booliiska dowlad deegaanka Itoobiya.

illaa iyo hadda ma jiro dadaal nabadeed oo la doonayo in lagu dhameeyo xiisada ka oogan deegaannada dhaca xadka gobolka Hiiraan iyo dalka Itoobiya, ma jiro wax war ah oo uu maamulka gobolka ka soo saaray dagaalladaas.

Colaada deegaannada Deefoow iyo Kabxanley oo markii hore uu ka bilowday khilaaf ku saleysan lahaashaha dhul-beeraadyo ayaa hadda u muuqata mid waji kale la soo baxday, maadaama la leeyahay dagaalladii ugu danbeeyay ee dhacay waxaa qeyb ka ahaa ciidanka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya