Danjire Kay oo ka hadlay colaadda tuulada Deefoow kuna baaqay in la joojiyo


Khamiis, Janaayo 22, 2015 (HOL) — Danjiraha Qaramada Midoobay ee Somalia Nicholas Kay ayaa cambaareeyay dagaalada ka socda tuulada Deefoow ee gobolka Hiiraan, isagoo ku baaqay in si deg-deg ah loo joojiyo.

Ergayga ayaa sheegay inuu ka xun yahay khasaaraha dhimasho iyo dhaawac oo uu sababay dagaalkaas, isagoo xusay in dadka ku dhintay colaaddaas ay ku jiraan haween iyo carruur aad u da’yar.

Sidoo kale, danjire Kay ayaa labada dhinac ee dagaalamaya ugu baaqay inay muujiyaan deggenaansho iyo xasillooni, isla markaana ka dalbaday in wax walba lagu dhammaeeyo wadahadal iyo is-qancin, si loo joojiyo adeegsiga qoriga.

“Dhammaan dhinacyada dagaalamaya waxaan ugu baaqaynyaa nabad iyo xasillooni, ayna tixgeliyaan doorka odayaasha ugu jiraan sidii xal loogu heli lahaa dagaalka,” ayuu yiri Danjire Kay.

Ugu dambeyn, ergayga Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya ayaa qoraalkiisa uga tacsiyadeeyay ehelada dadkii naftooyada ku waayay dagaalladii ka dhacay deegaanka Deefoow.

Si kastaba ha ahaatee, deegaanka Deefoow oo dhinaca kaga beegan xarunta gobolka Hiiraan ee Baladweyne ayaa waxaa dhowr jeer kusoo laa-laabtay colaado u dhexeeya malleeshiyo beeleedyo deegannadaas kuwada nool.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya