Khamiis, Janaayo 22, 2015 (HOL) — Maayarka Hargeysa, C/raxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko) ayaa maanta xariga ka jaray wadadda dheer ee isku xidha Goljano iyo xaafadda Daami, halka uu dhagax dhigay waddo kale oo isku xidhi doonnta Goljanoo iyo Xaafadda Boqol iyo kontonka.
Munaasabad balaadhan oo xadhiga lagaga jarayo wadadan ayaa lagu qabtay xaafadda Gol-jano, waxaana ka soo qaybgallay maayarka Caasimadda, xildhibaanno, guddida Xaafada Goljanno iyo haweenka xaafadda degan.
Maayarka Caasimadda Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid ayaa sheegay in sanadkii hore qorshaha ugu jiray in xaafadda Goljanno oo aan jidad lahayn waddo dheer laga hirgaliyo, isla markaana dadka xaafadda degan ugu baaqay inay wadadan ilaashadaan, isla markaana cashuurta iska bixiyaan.
Maayarka oo ka hadlaya muhiimadda wadooyinka leeyihiin wuxuu yidhi. “Runtii jidadku waa hal bawlaha dhaqaale, wadooyinkuna muhiim ayey u yihiin isku socodka magaaladda, sanadkii hore tan baa ku jirta mashruuca JLPG-ga, sanadkana waxa qorshaha ku darsanay in aanu isku xidhno Axmed Dhagax iyo Maxamuud Haybe, waxaana maalinta Axadda xaafadda Axmed dhagax ku ballansanahay dadka xaafadda sidii ay noola shaqeyn lahaayeen marka la burburinayo guryaha wadooyinka soo galay.”
“Maadaama oo Goljano ahayd xaafadaha ugu jidadka yaraa ayaa sanadkan waddooyinkii aanu samaynay ugu darnay jid aanu doonayno in dadweynuhu ka qaybqaataan, wadadaasi waxay noqonaysa mid ka soo bilaabanta cisbitaalka Cismaan Hindi kuna dhacda wadada Xaro awr illaa boqol iyo kontonka, taasi oo noqonaysa saamigii ay 26 june ka heshay degmooyinkii loo qaybiyey wadooyinka sanadkan la samaynayo”ayuu hadalkiisa raaciyey.
Sidoo kale, wuxuu dhagax-dhigay waddo kale oo isku xidhi doonta Goljano iyo boqol iyo kontonka, taas oo sanadkan labilaabi doonno, waxaanu dadka xaafadan usoo jeediyey inay ka qaybqaataan shismayaasha wadooyinka.
“Wadadani waxay isku xidhi doonta Xaafadda Goljano illa Boqol iyo kontonka, waana wadda sanadkan ugu jirta wadooyinka loo qaybiyey degmooyinka caasimadda, waxaana dadweynaha leeyahay ka qaybqaata wadooyinka la dhisayo, cashuurta iyo nadaafadda xaafadana gacan libaax ka geysta”ayuu yidhi Maayarku.
Sidoo kale, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay xildhibaan Cabdi Cali oo wakiil ka ah degmooyinka 26 june iyo Koodbuur, Xildhibaan Xasan Shahar, Guddoomiyaha shirkadan dhistay wadadan Amal J.V, Guddomiyaha guddida xaafadan Axmad Raan iyo odayaasha xaafadda, kuwaas oo dhamaantoodba ka hadlay wadooyinka iyo sida faa’iidadda ugu tahay xaafadda, waxaanay odayaasha xaafadani soo jeediyeen in maanta laga bilaabo cashuurta si fiican u bixin doonaan, maadaama oo hore maayaraddii hore uga hirgalin wax waddo ah.
Si kastaba ha ahaatee, wadadan ayaa noqonaysa tii ugu horeysay ee laga hirgalayo xaafadaasi, waxaana aad usoo dhoweeyey dadweynaha xaafadan oo hore u lahayn waddooyin hagaagsan.
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland


.jpg)

