Qaramada Midoobay iyo Ethiopia oo kawada hadlay xaaladda amni ee Somalia

Jimco, Oktoobar 03, 2014 (HOL) — Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Ethiopia, Tedros Adhanom iyo ku xigeenka siyaasadda ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Jeffrey D. Feltman ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada New York kaga hadlay arrimo ay ku jirto Soomaaliya.

Mas’uuliyiintan ayaa waxay diiradda saareen sidii loo xoojin lahaa sidii dalka Soomaaliya nabad looga dhalin lahaa, sidoo kalena gobolka oo dhan amni uu u noqon lahaa.

“Waxaan ku boorrinayaa dalalka gobolka iyo dhammaan Soomaalida inay ka qaybgalaan sidii xal waara loogu heli lahaa Soomaaliya, si nabaddii ay u soo laabato,” ayuu yiri D. Feltman.

Sidoo kale, wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya ayaa kulanka ka sheegay in dalkiisu uu doonayo in la fuliyo dhammaan qodobbadii heshiiskii ay Addis Ababa ku kala saxiixdeen dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubba.

“AMISOM iyo ciidamada dowladda Soomaaliya waxay dagaallo kula jiraan Al-shabaab, haddana waxay gacanta ku hayaan saddex meelood laba guud ahaan Soomaaliya, isagoo xusay inay howlgalladu socon doonaan inta dalka oo dhan gacanta looga dhigayo,” ayuu yiri Tedros.

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay abaaraha ku dhuftay Soomaaliya ay dad ka badan hal milyan oo qof saameyn xooggan ku yeesheen, isagoo ku taliyay in beesha caalamka iyo hay’adaha samafalku ay gargaar la gaaraan dadkaas.

“Xaaladda Somalia, haatan waxay u muuqataa mid sidii hore ka wanaagsan, dalkana waxaa ka socda isbedello xoog leh,” ayuu wasiirku raaciyay, isagoo xusay inay rajo weyn ka qabaan in Soomaaliya ay nabad noqoto sannadaha soo socda.

Dhanka kale, Feltman ayaa isagana Itoobiya uga mahadceliyay qaybta ay ka qaadanayso xal u helidda mashaakillada Soomaaliya, isagoo xusay in arrinta gobolka oo dhan sida Koonfurta Sudan ay muhiim tahay in wax laga qabto.

Itoobiya ayaa waxay ka mid tahay dalalka ay ka socdaan ciidamada AMISOM eek a howlgala Soomaaliya, kuwaasoo haatan ay tiradoodu tahay 22,000 oo qof, dagaallana kula jira xoogagga Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya