Jimco, Oktoobar 03, 2014 (HOL) — Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Puntland Jen. Siciid Dheere ayaa ka warbixiyey hawlgalkii labo maalmood kahor ciidamada amaanka Puntland kula wareegeen deegaanka Galgala oo fariisin weyn u ahaa Al-shabaab.
Jen. Siciid iyo guddoomiyaha gobolka Bari ayaa shalay si wadajir ah buuraha Galgala ugu qabtay shir jaraa'id, wuxuu sheegay in hawlgalka Puntland kula wareegtey buuraleyda Galgala uu ahaa mid waqti dheer la qorsheynayey.
Mar uu ka hadlayey khasaaraha wuxuu sheegay in dhanka Al-shabab laga diley 15 tiro intaas ka badanna laga dhaawacay, ciidamada dhankooda taliyuhu wuxuu sheegay hal askari dhintay iyo lix kale oo dhaawacyo fududi soo gaareen.
“Hawgalku guul ayuu kusoo dhamaaday waana Ilaahay mahadiis, ciidamada Puntland awood ayey u leeyihiin inay sameeyaan hawgallo baaxad leh, waxaana naga go'an inaan sii baacsano firxadka Al-shabab" Jen. Siciid ayaa yiri.
Afh-hayeenka ciidamada Al-shabaab oo mar sii horeysey ka hadlay dagaalka iyaga iyo ciidamada Puntland ku dhex maray buuraleyda Galgala wuxuu sheegay inay guulo waaweyn ka gaareen.
Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya






