Jimco, Oktoobar 03, 2014 (HOL) — Buurta Carrafo ayaa waxaa maanta taagan malaayiin Muslimiin ah oo gudanaya waajibka Xajka, kuwaasoo ka kala yimid daafaca calaamka, waxaana ka mid ah madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno ka tirsan labada gole ee dowladda.
Xujeydan oo xiran dharka cad-cad ee lagu qayaanno xaajiga ayaa waxay ka baryayaan Alle dambi-dhaaf iyo nolol wanaagsan oo dunida ah, iyadoo Nebi Muxamed (NNKH) uu horay u sheegay in qofkii Alle ku barya buurta dusheeda uu Eebbe bayadiisa ka aqbalayo.
Dadka sannadkan xajinayaayaa waxaa ku jira kumannaan Soomaali ah oo ka yimid daafaha caalamka, kuwaasoo isugu jira dhallinyaro, da’ dhexaad iyo waayeel, waxayna qaarkood u sheegeen warbaahinta gudaha iyo midda caalamiga ah inay Alle ka baryaya inuu Somalia ka dhigo dal xasilloon, quluubta dadka Soomaaliyeed uu isku soo duwo.
Safaraadda Somalia ee dalka Saudi Arabia ayaa shaacisay in Soomaalida sannadkan xajka gudanaya ay tiradoodu gaarayso 7,440-qof, kuwaasoo ka kala yimid caalamka daafihiisa iyo gudaha Soomaaliya.
Xajka ayaa wuxuu ka mid yahay tiirarka uu ku taagan yahay Islaamka, iyadoo qofka muslimka ah laga doonayo hal mar noloshiisa oo dhan inuu soo guto, waxaana faa’iidooyinkiisa ka mid ah in adoommadiisa booqday buurta Carrafo uu ka dhaafo dambiyada.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya